Muqdisho, Arbaco, 15, August, 2012…. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta ka qayb galay xaflad ay kasoo qayb galeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Macalimiin, Arday, iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada  luguna daah furay Wargays bile ah oo ay soo saartay Wasaarada Waxbarasha  iyo Tacliinta Sare.

Ugu horayntii Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa ka hadlay heerarka kala duwan ee ay marayso waxbarashada Dalka isagoona tilmaamay mudadii sanadka ahayd oo ay jirtay Xukuumadu lagu talaabsaday horumar balaaran oo dhanka waxbarashada ah, Wasiirka ayaa sheegay in Arday gaaraysay ilaa 3,000 loo diray waxbarasho dibadda ah  iyadoona Wasaaradu dayactirtay iskoolo faro badan oo ku waxyeeloobay dagaaladii ka dhacay dalka, waxaa kale oo wasaaradu samaysay shahaado lagu midaynayo dhamaan shahaadooyinka laga isticmaalo iskuulada ku yaala Dalka.

Sidoo kale Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa sheegay in loo baahanyahay in la dhiiri galiyo dhalinyarada Soomaaliyeed si ay dib ugu qaataan qalinka ugana waan toobaan tahriibta, Argagaxisonimada, iyo burcad badeednimada si taas loo xaqiijiyo waa in la sameeyo wacyi galin ku aadan baraarujinta dhalinyarada.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa i sheegay in ay sabab utahay horumarka dhanka waxbarashada guulihii laga gaaray dhanka Amniga siyaasada iyo arimaha bulshadu oo ay xukuumadu ka qabatay mudadii sanadka ahayd.

 “Sidaad ogtihiin Xukuumadu waxay wax weyn ka qabatay dhanka Waxbarashada waxayana dowladu suurta galisay jawi nabadeed oo u saamaxaya inay Ardaydu aadan iskoolka,waxaa magaalda laga furay Jaamacado kadib markii aan Amniga wax weyn ka qabanay, waxaana deeq waxbarasho loo diray Arday faro badan, waxaana hubaal ah hadii dadku waxbartaan in dalku ku tilaabsnayo horumar dhan kasta ah, wadan kasta waxaa horumariya aqoonyahan kiisa”

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu baaqay dadka dagan wali Xarumaha waxbarashada inay baneeyaan si ubad kooda loogu diyaarsho waxbarasho, waxaana uu sheegay in Xukuumadiisa ay ka go’an tahay iney sii wado taageerada balaaran oo ay u hayso waxbarashada, waxaanu balan qaadayaa Ra’iisul Wasaaruhu maadaama uu yahay macalin Jaamacadeed in wax weyn uu ku soo biirinayo hanaanka waxbarasho ee Dalka,

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya  ayaa sheegay in Xukuumadiisu waxyaalaha ay mudnaanta koowaad siisay mudadii sanadka ahayd sidii horumar la taaban karo loogu samayn lahaa waxbarashada, waxaa kale oo uu sheegay  laga bilaabo maanta kooxda Iftin oo ka shaqaysa wacyi galinta dhanka waxbarashada ay ka mid yihiin Shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Sawiro










— 
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
             +252-699270033
Mogadishu, Somalia