Wafdi uu horkacayo Raiisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rishiid Cali Sharmaarke ayaa saacadaha soosocda laga sugayaa magaalada Garoowe caasimadda Puntland.

Raiisul wasaare Sharmaarke iyo wafdigiisa ayaa la sheegay in ay ka soo kicitimeen magaalada Muqdisho iyagoo saacad ka dib la filayo in ay ka soo degaan garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe,

Ujeedada wafdiga raiisul wasaaraha ay u imanayaan magaalada Garoowe ayaa lagu sheegay sidii ay ugala hadli lahaayeen Puntland arimaha khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka iyo arimaha diidamadii dhowaan ay ka soo saartay Puntland Ee Maamulka dowladda dhexe ay taageerto ee Cadaado lagu dhisay.

Safarka reysulwasaare Cumar ayaa ku soo aadaya xilli magaaladda Garowe uu ku suganyahay madaxweynaha maamulka jubbaland Axmed madoobe.