Wararka Ka imaanaya Magaaladda Garowe ee Caasimadda Puntland Ayaa sheeaya in Ra’iisul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Sharmarke uu guriga islaan Ciise islaan Maxamed Islaan Muuse ee magalada Garowe kula kulmay Isimadda Gobalka Nugaal iyo Genaraalkii Gadooday Muxyadiin Axmed Muuse.

Kulanka Sharmarke waxaa ku weheliyay Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan oo maalmihii lasoo dhaafay la hadal hayay inay qayb ka tahay socdaalkiisa Garowe xalinta xiisada Qarxis, kulanka Aqalka Islaan Ciise ka dhacay oo aan xog badan laga heli karin ayaa warar madax baan sheegayaan in RW, iyo Gen.Muxyadiin iyo Isimadda Gobalka ka wada hadleen arrinta khilaafka keenay iyo cabashadda Genaraalka, walow aan wax go’aan ah ama heshiis ah la gaarin hadana waxaa la sheegayaa in kulan danbe la isagu laaban doono.

Dhinaca Kale Reysulwasaaraha ayaa Goordhow Ka soo Amba baxay Magaaladda Garowe, Iyadoonna Soo Dhaweyntiisii Laga Dareemayo Dagmadda Qardho.

La soco faah faahinta,