Waxaa maanta si rasmiahloo furay mashruuca suuqgaynta xoolaha kaasioo ay iska kaashanayaan rugta ganacsiga iyo hayy’ada qaramada midoobayu qaabilsan dhankahorumarinta ee UNDP xaflad xariga loogaga jarayay mashruucaan ayaa Waxay kadhacday hotel new rays ee magaalada garoowe waxaana kasoo qayb galay ma’uuliyiin ka socotay dowlada puntland iyo ganacsatada qaybaheeda kaladuwan .

Ugu horaynaba waxaa kaahdlay xafladaan guddoomiyaha rugta ganacsiga Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim oo faafaahin ka bixiyay mashruucaani isagoona sheegay in uu socon doono muddo lixbilood ah Guddoomiyaha rugta ayaa xusayin uu Noqon doono mashruucaani mi faa’iido badan ugu fadhiya ganacsatada iyo dadka reer guuraaga ah ee xoolaha laga soo qaado iyagoona lasamayn doona lix suuq oo laga socon doona sicirka xoolaha ku waasi oo lasocda mashruucaani laga hir Galindoono magaalooyinka waawayn ee deegaanada puntland ,Guddoomiyaha ayaa intaasiku daray inloobaahan yahay inlaga wadafaa’iidaysto .

C/risaaq Xuseen Aadan oo ka socday Hay’ada UNDP oo ah ahy’ada maalgalinaysa mashruucaani ayaa sheegay in uu yahay mashruucaani mid lagu taakulaynayodadka xoola dhaqatada ah sia y xoolahooda ugu helaan suuq wanaagsanxilliyadaay Iibsanayaan xoolahooda iyo waliba ganacsatada oo iyana qayb ka ah ka faa’iidaysiga xoola caafimaadqaba .

Wasiirka xanaanada xoolaha Siciid Xasan Shire oo ka mida haa wasiiradii lagucasumay furitaankamashruucaani ayaa eedayn dusha ugaga tuuray hay’ada UNDP oo uu sheegay in laga doonayay in ay soo marisomashruucaani wasaaradiisa ayna Kala qaybqaadato rugta ganacsiga mashruucaaniisagoona sheegay inay  warqad u gudbin doonaan UNDP ,wasiirka xanaada xoolaha ayaa sheegay in uu dhankaakale soo dhawaynayo mashruucaani wlaow aan loo marinbuu yirijid kiiloo baahanaa Waana mid mudan in la siiyo mudnaan gaar  ah.

Wasiirka dakadaha iyo gaadiidka badda siciid maxamed raage oo isna kaahadlay xafladaan ayaa sheegay in uu yahay mashruucaani mid qiimo sare ugufadhiya ummadareer puntland isagoona dhankakale ganacsatada reer puntland ku eedeeyay Inaysan mar siinxoolaha aygadanayaan jidadkii loo baahnaa isagoo sheegay in loo baahanyahay in la xanaaneeyo xoolaha la dhoofinayo siciid maxaed raage ayaa sidookale xusayin mashruucaaniay kamaqantahay aybtiiugumuhiimsanayd oo ah Dakadaha wasiirka ayaa xusay inay ganacsataduka nacsadaan waxyaabo aansharcigu ogalayn si ay uga helaanlacago badan waana ianay ka qaybqaataan sidii loo dhisi lahaa dalka iyo inay lasocdaan caalamka iyo qaabka looga gancsado iyagoo iskabadalayaqaabkii horeee kudhisnaa dhaqanka soomaaliga xiliiyada lararayo, isagoona sheegay in loo baahanyahay indib looghu noqdo dibu habaynta mashruucaani.

Dr.Cali C/laahi Warsame wasiirka Caafimaad ee dowlada Puntland oo  sina hadalka jeediyay furitaankii mashruucaani ayaa sheegay in uu aad ugumajhad celinayo rugta ganacsiga iyo hay’ada maal galinaysa mashruucaani ee UNDP wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in dadka reer guuraaga ah ee kudhaqan guud ahaanab soomaaliya aysan ka faa;iidaysanxoolahaay dhaqanayaaan isagooxusay in caalamka qaybihiisa kale uu yahauy taajir ninkii leh dhor neef oo xoolaah halka buuyiri Ninka soomaaligaahi uu wato boqolgeel ah oo uu isagiina klugaynayo wasiirka ayaa kula dardaarmay ixoola dhaqata kudhqandeegaanada puntland ianay intifaacsadaan xoolahooda kana faa’iidaystaanmashruucaani .

Faaduma Diiriye Nuur waxa ay  kamid tahay Ganacsatada oo iyana qayb ka ahaa dadkii lagu casumay  furitaanka shirkaani waxayna xustay in wasaaradaha ku shuqulleh arrimahaani ay il gaar ah ku eegaan xanaanaynta xoolaha ooay sheegaty Inay yihiin lafdhabarta nolasheena faaduama ayaa intaasiku  dartay inganacsatada looga baahanyahay inay kaqayb qaataanhorumarinta xoolahooda iyagoo lakaashanaya dadka xoola dhaqatada ah .

Mashruucaani suuqgaynta xoolaha ee maanta daaha lagarogayayaa waxaa uunoqonayaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee lagahir galiyodeegaanda puntland waana mid faa’iido waynugu fadhiya dadkaxoola dhaqatada ah oo ku jaha Wareersanaa tartanka ka dhaxeeya ganasatada qaybaheeda  kala duwan waxaana si wada jir ah isaga kaashanaya fulinta mashruucaani rugta ganacsiga ee dowlada puntland iyo hay’ada UNPD.

Yusuf Maxamed Maxamuud{ Yusuf yare}
SBC International Monitoring