Kulanka oo ay ka soo qeybgaleen Inta Badan Ganacstada Puntland iyo Madaxda Shirkadaha Qarkood ayaa saaka lagu qabtay Xarunta Rugta Ganacsiga Puntland ee Boosaaso iyadoo ay Goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Dekadaha iyo Ladagaalanka Burcad badeeda Saciid Maxamed Raage, Wasiir Ku xigeenka Xanaanada Xoolaha ee Puntland C/weli xirsi Nuur iyo Madax ka socotay Xubnaha Ganacstada iyo Hayada DAI.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Saciid Xuseen Ciid ayaa Si kooban u sharaxay Buugan iyo waxa uu ka koobnaan doono Iyadoona Muuqaalka Bugaan la soo bandhigay oo ay ku yaala Shirkadaha Qaar ee soo gudbiyay sawiradooda iyo Qoraaladooda

Gudomiyaha Hada DAI Dr Axmed Cartan ayaa isaguna ka hadlay Hayadooda iyo Mashaariicda ay wado ee uu ka mid yahay Bugagtan lagu soo bandhigayo Ganacsiga Puntland iyo Ganacstada.

Wasiirka Kaluumeysiga iyo Ladagaalanka Burcadbadeeda Saciid Maxamed Raage ayaa Talaabadan Ku tilmaamay mid Fursad u siineysa Maalgashadayaasha Caalamiga inay helaan xiriirka Ganacstada,

Qaar  ka mid ah Madaxda Daladaha Qaar sida Dalada wax soo dejinta iyo Dalada Xabkaha ayaa Tilmaamay Inay Tahay Talaaabadan Mid mudan in lagu amaano Maamulka Rugta ganacsiga iyo Cidii kale oo gacan ka geystay

Buugan Diiwaanga Ganacisga Puntland waxaa uu fursad qiimo leh u noqonayaa Dhamaanba Ganacsatada Deegaanada Puntand Waxaana uu sameynayaa in ay helaan Xiriirka Ganacsato kale oo ka tirsan Kuwa Caalamiga ah kuwaasi oo Deeganada Puntland u iman kara Maalgaashi iyo Xiriir Ganacsi labadaba

 Sawiro
DSC00850 DSC00851 DSC00862DSC00863 DSC00864
DSC00871 DSC00879

SBC INter