Qardho – Meelaha ilaa iyo hada Laga Soo Sheegayo Curashada Raxmaada Eebe ayaa waxaa Kamid ah Gobolka Karkaar oo ,Uu Roobku Kabilowday Markii Salaada Maqrib Laga Baxay Sida waxaa SBC u Xaqiijiyey Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdiquraan Max’ad Aadan oo ay SBC Laxiriirtay.

Gudoomiyuhu waxa uu Noo Xaqiijiyey in Roobka Kada’ay Qardho uu ahaa Mid ay aad Ugu Diirsadeen Dadka Ku Dhaqan Degmada Qardho  iyo Nawaaxigeeda,

Sidoo kale waxa uu Noo Xaqiijiyey in Roobka Caawa Ka da’ay Qardho iyo Nawaaxigeeda uu Ku soo Beegmay Xili ay Dadku Si aad Ugu Baahnaayeen Raxmaadka Eebe.

Dhanka kale Goobaha ay Sida Weyn Ay uga Curteen Roobabka Guga ayaa waxaa Kamida Gobolka Cayn oo Mudooyinkii Danbe Si aada Looga Soo Dayrinayey Dhanka Biyaha,

Wararka ka imanay Gobolka Cayn ayaa waxa ay Sheegayaan in uu Roobku  Ahaa Mid Biyo Galiyey Baargo Badan oo Markii Hore aan Wax Biyo ah aan Lagu Ogayn.

Waxana ay Dadku Dheegayaan in Hada ay Meesha Ka baxday Baahidii Dhanka Biyaha in Kastoo uu Wali Dhulku Yahay mid Angagan .

Marka Lagatago Goobaha uu Ka Curtay Roobka Guga Ayaa  Sidoo kale waxaa Jira Goobo Wali Uusan Roobku Kacuran In Kastoo ay Hada Dadka  Soo Gashay Yididiilo Wanaagsan. 

Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC International Boosaaso