Deegaanka Gosol oo ka tirsan gobolka Mudug gaar ahaana degmada Xarfo ayaa muddo 11 Bari ah waxay ku jirtay Go,doon kadib markii Tog biyo keenay uu xiray dhamaan hareera magaaladaasi.

Dadka deegaaankan ayaa Xukuumadda Puntland waxay ka codsadeen inay gurmad caafimaad iyo Cunno lasoo gaaraan dadka maadama ay Mudo dheer go,doon ku jireen.

Biyaha Go,doonkan galiyey Gosol ayaa ka yimid Tog ka biyo keena hawdka sare degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal.

Qaar kamid dadka deegaan ayaa sidoo kale waxay codsadeen Marakaneeco maadama ay ka dilaacayso kaneeco deegaankaasi.

Koox wariyaal ah oo gaaray deegaanka ayaa soo wariyey inay xaalad adag ka jirto magaaladaasi taas oo ugu badan Raashin la,aan iyo Xanuuno.

SAWIRRO :

Sawirada waxaa Qaaday Wariye Siciid Nadaara