Xilli Afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay ay magaalada Muqdisha ka da’ayeen roobab lagu tiirsaday  ayaa hadana waxaa aad isku soo taraya sameynta roobabka ka da’aya magaalada Muqdisha ay ku yeelanayaan dadka ku soo bara kacay gudaha magaalada muqdisha

Dagmada Xamarweyne ee gobalka banaadir ayaa sida wararku sheegayaan waxaa ku nafwaayay illaa sadex ruux oo isugu jira caruur iyo dad wayeel ah

Aadan Shiiq  Macow oo  ka mid ah dadka barakacayaasha oo la Hadlayay Warbaahinta Soomaaliyeed Ee SBC International ayaa sheegay in curuur yar Islaan Waayeel ah iyo Nin Da’ah ay roobabka da’aya aawgeed saakay dagmada x/weyne ugu geeriyoodeen iyadoo ay jiraan dad kale oo xaalada cafimaad la ildaran

Dagmada dharkenleey ee gobalka banaadir ayaa iyana lagu soo waramayaa in laba caruur ay roobka aawgeed ugu geeriyoodeen

Gudoomiyaha dagmada dharkeenleey Macalin Cabdulle Cali Hilowla ayaa sheegeegay in caruurtan in kabadan  Maalmihii ugu Dambeeyay ayaa magaalda muqdisha waxa   ka da’ayay Roobab  saacado badan da’ayay ay dushooda ku socotay dhibicda roobka ka da’ya magaalada muqdisha

Dadka sameynta xoogan uu ku yeeshay roobabka ayaa u badan dadkii magaalda muqdisha ku soo barakacay  kuwasi oo abaaraha ka jira Qaar kamid ah Gobalada Soomaliya ka soo barakay

 

C/risaaq Sh: Ibraahim (Sheekeeye)
SBC International Muqdisho