Buuhoodle- Iyadoo Abaaro baahay iyo biyo la’aan ba’ani ay ka taagneyd qeybo badan oo ka tirsan gobolada dalka gaar ahaan gobolka Ceyn ayaa waxaa manta siweyn uga curta gobolkaasi raxmaadkii Guga .

Deegaanada Roobabkani ay ka curteen ayaa waxaa ka mid ah Degmooyinka Widh Widh, Horufadhi, Ceegaag, Dhalaamo Cune iyo deegaano kale oo farabadan islamarkaana ka tirsan gobolka Ceyn .

Warbaahinta SBC International oo la xiriirtay deegaanadaas dad ku sugan ayaa waxay u sheegeen in roobabkaani ay biyo dhigeen buux dhaafiyeena baraagaha iyo ceelasha deegaanadaasi ku yaala .

Roobabkani ayaa waxay ku soo aadayaan xili ay abaar ba’ani ay ka taagneyd gobolka ceyn taas oo sababtay dhimashada dad iyo xoolo waxii halkaasi ku dhaqnaa .

Sidookale roobabkani ayaa waxay soo gaareen magaalada Xarunta u ah gobolka ee Buuhoodle waxaana laga dareemi karaa biyo uu dhigay roobkaasi oo soo galay bariga magaaladaas .

Sikastaba ha ahaatee dadka ku dhaqan deegaanada ay ka curteen roobabkan ayaa waxaa ay sheegeen in ay si aad ah ugu farxeen raxmaadka Eebe ee u hooray islamarkaana ay Alle uga mahad celinayaan .

Cali Dhagjar
SBC International Buuhoodle.