Kismaayo- Deegaano ka mid ah gobolka Jubada hooseayaa waxaa ka da’ay roobab lagu diirsaday oo ay dadka ku dhaqan deeganadaasi siweyn ugu soo ban bexeen .

Deegaanada ay roobabkani ka de’een ayaa waxa ka mid ah deegaano ay siweyn uga jireen abaaro xoogan oo saameyn ku yeeshay dadka reer guuraaga ah ee iyagu halkasi badi degen .

Waxaa ka mid ah goobaha ay roobabkani ka de’een tuulooyin ku yaala duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo, waxaana ka mid ah deegaanka looyaqaan, C/dala biroole iyo deegaano kale .

Inkastoo aanay aheyn roobabkan kuwo mahiigaan ah oo biyo dhigay deegaanada ay ka curteen ayaa hadana waxaa ay sheegeen reer guuraaga halkaasi ku sugan in ay si aad ah ugu farxeen islamarkana ay ku diirsadeen .

Guud ahaan gobolka jubada hoose iyo gobolada kale ee dalka ayaa waxaa ka jira abaar aad u baahday oo saameyn xoogan ku yeelatay dadka iyo duunyada ku dhaqan goboladaas, waxayna roobabkani nocdeen kuwo ay siweyn ugu farxeen dadka ku dhaqan deegaanada ay ka de’een iyagoona alle ka baryay in uu u siyaadiyo.

C/qani Maxamed Cali
SBC International Kismaayo.