Xulka Qaranka Kubadda Cagta Urugway ayaa Xalay Xaqiijiyay Markiisii 15-aad Hanashada Koobka Laatiin Ameerica ee soo jiitamayay 43 sano waxaana Urugway ay Ciyaartii kama dambeysta oo xalay ka qabsoontay Caasimadda Arjantiin ee Bonisaires ay ku sagootiyeen 3-0 Xulka Paraguay oo ay si weyn uga gacan sareeyeen Baashaalna ay ka dhigteen Xidigaha Naadiyada Atleetico Madrid iyo Liverbool Vorlan iyo Suarez oo u sitay Urugway 10  iyo 9.

Daqiiqadii 11 waxaaa Goolkii ugu horeeyay Shabaqa paraguay la tiigsaday Suarez oo kubad xarago leh la dhaafay Diafaca baraguay Veron oo sitay Lambarka 2 waxaana qeybtii hore ay qaadeen Urugway weeraro kala gadisan iyadoo fursadahaasi ay ahaayeen kuwo qatar galiyay Goolka paraguay.

Daqiiqadii 41 kubad baas ah oo uu soo dhigay 17ka urugway Antonio Rios waxaa shabaqa Paraguay ku malaasay 10 Diego Vorlan oo kubad Xoogan oo goolhayaha Paraguay ka naxay shabaqa u diray,waxaana qeybtii hore lagu kaal nastay 2-0 ay ku horeeyeen urugway.

Qeybtii labaad waxaa u soo galay Uruguay Ciyaaryahan Cavani 21 oo u safta Naaboli kaasoo dhaawac uga maqnaa dhowr ciyaar waxa uuna Cavani wax ka badalay qaabkii ciyaarta isagoo sii xoojiyay weerarkii laggu hayay goolka Paraguay  oo qeybtii danbe fursado qaali ah iska lumisay waxaana fursadaasi ka mid aha kubad laga dalacay weeraryahankooda lambarka 18 Valdez oo uu ka bixiyay Goolhayaha Uruguay fursadaasoo aheyd mid qatara.

Dhamaadkii Ciyaarta daqiiqadii 89 waxaa u sadexeeyay paraguay Weeraryahan Vorlan oo ka faaideysatay kubad uu madaxa ugu dhigay Saaxiibkii suarez waxaana ciyaartii ay ku soo gaab gabowday 3-0 loogu awood sheegtay paraguay sidaana waxaa markii 15 ku hantay koobka Laatiin Ameerica Xulka urugway oo ay sanadihii sagaashameeyada ugu dambeysay Koobkaan

Gool dhalinta waxaa 5 gool ku qaaday 9ka beru una safta Naadiga humburug ee Wadanka jarmalka guerrero halka kaalinta 2aad uu ku galay suarez oo u safta Xulka urugway oo keensaday 4 gool kaalinta 3 waxaa galay Agguero oo u safta Arjantiin oo keensaday 3 gool

Ciyaaryahankii ugu Wanaagsanaa Koobka 43 ee Laatiin Ameerica 2011 waxa uu noqday suarez oo lambarka 9 u sitay  Qaranka urugway.

Xulalkaan isagu soo haray Finalka Koobka 43 ee Laatiin ameerica ayaa waxa ay buuxiyeen Meeshana ka sareen Wadamadii arjantiin iyo baraasiil oo loo saadaalinayay inay imaan doonaan Finalka waxaana labaadaasi wadan  ka soo kala badiyay Urugway iyo Paraguay oo ku soo kala reebay Rigoorayaal.

Waxaa diyaariyay
Axmed Maxamed Cabdulle (uurdoox)
uurdoox2011@hotmail.com