Raiusl wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyrre ayaa subaxnimadii khamiista soo kormeeray dekedda magaalada Kismaayo.

Waxaa kormeerkan ku wehlinayay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirrada federaalka ee ku sugan Kismaayo waxayna halkaasi kusoo arkeen qaabka ay shaqada dekedda usocoto.

Raisul wasaaraha ayaa warbixin ku saabsan qaabka ay ushaqeyso dekedda ka dhageystay madaxweynaha Jubaland waxaana intaas kadib uu soo kormaray qaybaha kala duwan ee dekedda.

Raisul wasaaraha oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in dowladda federaalka ay wax ka qaban doonto dayactirka dekedda.

Sidoo kale Raisul wasaaraha ayaa shaqaalaha dekedda kula dardaarmay inay si daacad ushaqaystaan ayna ilaaliyaan jismiga dekedda.