Waxaa Sabtadii & Axadii la ciyaaray kulankii 6-aad ee horyaalka Spain ee La Liga iyadoo kulamadan ay ka soo baxeen natiijooyin isbadali ka muuqdo.

Sporting Gijón  0-1 Barcelona

Kooxda Barcelona ayaa hogaanka horyaalka Spain ee La Liga markii ugu horeysay qabtey ka dib guul caato ah oo ay gaartey kooxda Sporting Gijón oo sanadkii hore ka jabisay Barce laga badin la’aantii ay ku socotey.

Barcelona oo marti ka aheyd hogaanka 5-tii kulan ee la ciyaaray La Liga-ha waxaa goolka guushii u saxiixay ciyaaryahanka Adriano isagoo shabaqa Gijion oo ku jirta halka ugu hooseysa kala horeynta ku hubsadey daqiiqadii 12-aad.

Barcelona waxaa hogaanka ku haysata oo leh anigana kama fuqo kooxda Levante oo meesha ka saartey kooxda Batis oo todobaadkii hore hogaanka qabatey taasi oo aheyd marki ugu horeysay ee taariikhda ay qabato hogaanka.

Ciyaartan ayaa ka dhacdey garoonka kooxda Gijón  ee garoonka Estadio El Molion eek u yaal magaalada Gijón.

Betis 0-1 Levante.

Barcelona waxay lavante uga sareysa kala horeynta farqi xaga goolasha ah, iyagoo wada leh min 14 dhibcdood laakiin Barcelona oo sanadkan jabisay rikoorkii Real Madrid dhigtey sanadkii ee ahaa in iyadoo marti ah ay badisyo goolashii ugu badnaa, waxaana Barcelona ay dhalisay goolal 24 kulan oo isku xigta.

Goolka madiga ah ee ay ku badisey Levante waxaa u saxiixay ciyaaryahan Juanlu iyadoo kooxdaasi ay ku socoto inaan hal marna dhulka la dhegin ololaha dagaal ee xili ciyaareedkan.

Kulankan ayaa ka dhacayu garoonka kooxda Betis ee Estadio Benito Villamarrin eek u yaal magaalada Seville.

Real Madrid 4-0 Espanyol

Sadexley gool (Hat-Rick) uu dhaliyey weeraryahanka reer Argantine isla markaana uu afareeyey Callejón oo horey uga mid ahaa kooxda Espanyol ayaa ka fujiyey neefta tababare Jose Mourinho-ha Real Madrid oo 120 maalmood ka dib 49 sano jir noqonaya.

Real Madrid & tababarahooda faanka iyo hadalka badan Jose Mourinho waxaa todobaadyadii ugu dambeeyey la soo gudboonaadey casharo adag ka dib markii lagu qabtey barbar dhac & in laga badiyo.

 Kulamada kale ee Sabti & Axad

Racing Santander1 – 1Rayo Vallecano
Osasuna2 – 2RCD Mallorca
Villarreal CF2 – 2Real Zaragoza
Valencia CF1 – 0Granada CF
Málaga CF3 – 2Getafe CF
Racing Santander1 – 1Rayo Vallecano
Real Sociedad1 – 2Athletic Bilbao
Atlético Madrid0 – 0Sevilla FC

 

Kala Horeynta Kooxaha 

P  GD  PTS
1 Barcelona 6  19  14
2 Levante 6   5  14
3 Real Madrid 6  15  13
4 Malaga 6  6  13
5 Valencia 6  3  13
6 Sevilla 6  3  12
7 Real Betis 6  2  12
8 Atletico Madrid 6  2   8
9 Real Sociedad 6  -1   7
10 Mallorca 6  -2   7
11 Osasuna 6  -7   7
12 Villarreal 6  -4   6
13 Rayo Vallecano 6  -4   6
14 Real Zaragoza 6  -6   6
15 Espanyol 6  -6   6
16 Athletic Bilbao 6  -2   5
17 Getafe 6  -4   4
18 Racing 6  -5   4
19 Granada 6  -6   4
20 Sporting Gijon 6  -8   1


Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com