Ciyaaryahanka Cristiano Ronaldo weerarka uga ciyaara Real Madrid ayaa goolkiisii labaad ee uu abid ka dhaliyo naadiga xifaaltanka adag uu ka dhaxeeyo ee Barcelona wuxuu horsed ka dhigay in Real Madrid ay ku guuleysto koobkii 18-aad ee koobka boqorka Spain (copa Del Rey) ciyaar adag oo ka dhacdey garoonka Mastella ee kooxda Valencia.Gool aad u qurux badan oo ay ka soo shaqeeyeen ciyaartoyda Marcelo & Di Maria ayuu si xarago leh madaxa ugu lulay Cristiano Ronaldo taasi oo suurgal u noqon wayday goolyaha Barcelona Pinto, waxaana waqtiga oo ahaa ku darid (Extra Time) ay ciyaartii ku dhamaatey 1-0 oo ay guushu ku raacdey naadiga Real Madrid.Macalin Jose Mourinho ayaa ku guuleysety koobkiisii ugu horeeyey ee uu la qaado Real Madrid waxaana uu caawa jabiyey darbigii ku gudubnaa in Real Madrid ka badisho Barcelona mudo 5 sano ah.Jose Mourinho ayaa caawa la soo baxay khidad ciyaareed oo aad loola yaabay taasi oo aheyd midi uu kula ciyaarey Barcelona guriga Real Madrid ciyaartii ugu dambeysay taasi oo aheyd in shaxda Barcelona ee 4 6 oo ah afar difaac ah iyo 6 weerar ah uu kala jabiyo isagoo mid ka mid ah difaaca dambe oo ah Pebe uu keenay khadka dhexe waxaana uu ku calaamadeeyey Messi waxaana sidoo kale laga dhigay kuwa jilbaha la qabtey Vai & Iniesta.Ciyaaryanada David Villa & Pedro ayaa u muuqanayey inay ka gaabinayeen inay saacidaan Messi oo dhex galay shabaq difaac oo ay si xun u raacanayeen difaaca & khadka dhexe ee Real Madird.

35 jirka goolhayaha labaad u ah kooxda Barca Jose Manuel Pinto ayaa tiro ka dhawr jeer wuxuu si la yaab leh u badbaadiyey kubado ay soo laadeen Ronaldo, Emmanuel Adebayor & waliba Di Maria,

Goolhayaha Real Madird Ikar Casillas ayey caawa u aheyd habeen ka mid ah habeenada aanu ilaawi karin oo aanu ku jirin jawi deganaansho ah 120-kii daqiiqo ee ay socotey ciyaarta waxaana uu had iyo goor ku jirey qabo oo badbaadi oo aheyd weeraro ka imaanayey Messi, Iniesta, Xavi, David Villa iyo laad xor ah oo mar mar ka imaanayey Dani Alves.

Si kastaba ha ahaatee wiilasha Guardiola ee Barcelona waxay qaateen biladaha kaalinta labnaad waxaana caawa dabaaldeg mudo 8 sano ah aan laga arag Real Madrid isagu soo baxay taageerayasha wiilasha Jose Mourinho kuwaasi oo koobka ay qaadeen ay u sii dheertahay xifaaltanka dhanka kubada ah ee u dhaxeeya iyaga & Barcelona.

Kabtanka Real Madrid Casillas ayaa waxaa koobkii gudooniyey Madaxweynaha FIFA Sepp Bllater, iyadoo ay goob ka ahaayeen Boqorka iyo boqorada Spain King Juan Carlos, Queen Sofia  iyo waliba Gudoomiyaha Real Madrid.27-ka bishan ayay sidoo kale kooxahan mar kale ishaleeli doonaan iyagoo isku arki doona ciyaaraaha semi-final-ka koobka Champion League, waxaana la leeyahay wiilasha Madrid ma adkeysan doonaan guusha ay ka gaareen wiilasha ay aadka isku neceb yihiin ee ka soo jeeda gobolka Catalonia.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com