Raysal Wasaraha dowlada dowlada soomaliya  c/wali maxmed cali gaas iyo wafti uu hogaaminayo oo shalay soo gaaray puntland gaar ahaan magalada garawe ayaa manta gormeeray dadka barakacayaasha ah ee  ku nool magaalada garawe

Mudane gaas ayaa waxaa kormeerka ku waheliyey  madax wayne ku xigeenka puntland iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada puntland.

Waxaana ay  warbixin ka dhagaysteen gudoomiyaha barakacayaasha oo sheegay in ay ku jiraan xaalad nololeed oo adag  isla markaasna ay tahay markii ugu horaysay oo masuul ka socda dowlada soomaliya  uu ku soo booqdo meelaha ay dagan yihiin  isagoo ku aamanay puntland  in ay siwayn ugu soo dhaweeyeen puntland  waxaana  uu raysal wasaaraha ka codsaday in wax laga soo gaarsiiyo deeqda  soomaliya loogu deeqay

Raysal wasaare cabdi wali oo intii uu ku sugnaa xeryaha barakacayaasha hadal kooban jeediyey  ayaa  waxaa uu sheegay in u dadaali doono dadka barakacayaasha ah ee puntland ku sugan isla markaan uu dowlada u gudbin doono cabashadooda iyo dhibaatada haysata  isagoo balan qaaday in wax laga  soo gaarsiin doono deeqaha beesha caalamku ugu tala gashay soomaliya

Dhanka kale raysal wasaaruhu waxaa uu tagay  wasaaradaha , waxbarashada  qorshaynta iyo  wasaarada haweenka iyo isbitaalka guud ee garawe  jaamacadaha isaga oo intaba warbixino ka dhagaystay  masuuliyiintii uu xarumahaa ku booqday

Tan iyo markii khilaafka siyaasadeed  soo dhexgalay puntland iyo dowlada federaalka  waxaa uu noqonayaa masuulkii ugu horayey ee ka tirsan dowlada dhexe ee puntland soo booqda iyada oo la filayo in meesha laga saarayo mad madowgii siyaasadeed

DAAWO SAWIRADA

FILO SAWIRO KALE DHOWAAN..

Maxamed   Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe