Maalintii Shalay iyo Habeenkii xalay ayaa duqeymo waxa ay ku dheceen gudaha xarunta Jubada Hoose ee Kismaayo taasi oo waxyeelo u geesatay dad rayid ah oo ku sugnaa xaafado hoosyimaada magaalada Kismaayo.

Dadka kudhaqan magaalada Kismaayo Xarunta Jubada hoose ayaa sheegay in gantaalo sida la aaminsanyahay ka imanaya deegaano dhanka badda ah islamarkaana ku soo dhacaya gudaha degmadaasi ay walaac ku beertay dadka,

Waxay dadku bilaabeen in ay ka barabaxaan gudaha degmada Kismaayo iyagoo ka baqaya waxyeelo ka soo gaarta weeraradaas doonayana in ay ka fogaadaan deegaanadaasi.

Haweeney ku sugan gudaha Magaaladaasi Kismaayo oo la hadashay xafiiska SBC ee magaalada Muqdisho kana gaabsatay magaceeda ayaa sheegtay in madfac ku soo dhacay goob ka agdhow gurigeeda uu waxyeelo ka soo gaarsiiyay wiil yar oo ay dhashay kaasi oo iminka xaaladiisu ay tahay mid halis ah.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa jiray hadal heyn ah in xarakada Alshabaab ay siweyn ugu sii guranayan magaalada Kismaayo, waxaana ay tani ku soo beegmeysaa xili ciidamada Afrikaanka ah iyo kuwa DKMG ah ee ku sugan qeybo ka mid ah dalka ay ku hanjabayaan la wareegi taanka xarunta gobolka jubada hoose ee Kismaayo taasi oo istiraatijiyad dhanka xeebta uleh .

C/qaadir Maxamed Cabdulle
SBC International Muqdisho.