Goob waxbarasho oo ku taala Waqooyiga Magaalada Boosaaso laguna Magacaabo Badriya oo ah Goob dhalinta lagu baro Quraanka iyo Tarbiyada Islaamiga ah ayaa waxaa ka dhacay isku dhac dhexmaray qaar ka mid ah Ilaalada Xaruntaas ardayda xaruntaas wax ka baraneysay waxaana ka dhashay dhaawacyo kala duwan oo soo gaaray ardayda qaarkood
Sida ay SBC u sheegeen Goobjoogaal waxaa isku dhacay oo tiro ka mid ardayda Machadka Al-Badriya iyo Koox u ilaalo u ahayd xilliga salaada subax ee habeenkii xalay waxaana rasaastaas ku dhaawacmay 8 ka mid ah caruurta halkaas wax ka baraneysay kuwaasi oo haatan lagula taacalayo isbitaalka weyn ee Boosaaso

Ciidamada Booliiska oo saaka tagay goobta dhacdadan ka dhacday ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan Sida ay wax u dhaceen iyaga oo sheegay in wadaan baaritaano dhacdadan la xiriira.

Docda kale sarkaal ka gaabsaday in magaciisa saxaafada laga sheego ayaa SBC u sheegay inay gacanta ku hayaan 4 qof oo lala xiriirnayo inay dhacdadan ku luglahaayeen kuwaasi oo baaritaano lagu sameyn doono.

Dhacdada ay ku dhaawacmeen caruurtan ayaan weli si rasmi ah loo geyn sida ay ku bilaabatay waxaana caruurta meeshan ku xareysneyd ay ahaayeen kuwo qaarkood laga keenay Dalalka Dibada oo dhaqan celin ahaan loo keenay Deegaanadooda.

Goobta waxbarashada ee Albadriya ayaa ahayd goob caruurta waxna ka bartaan kuna hoydaan iyadoo caruurta qaarkood laga keenay Dalka dibadiisa si halkan loogu sameeyo Dhaqan celin Dhinaca Barashada Tarbiyada Islaamka ah.

Isbitaalka Magaalada Boosaaso ayaa waxaa xilligan lagula tacaalayaa dhaawaca 7 ka mid ah sideeda caruurta aha ee ku dhaawacmay Tacshiirada ay ku fureen ilaalada iskuulka Albadriya halka mid ka mid ah dhaawacaasi loo qaaday Magaalada gaalkacyo.

SBC international Monitoring