Saraakiisha Booliiska wadanka Faransiiska ayaa sheegay in nin hubeysan uu rasaas ku furay Iskuul Waxbarasho  oo ay leeyihiin dadka Yuhuuda oo ku yaala MagaaladaToulouseee wadanka Faransiiska taasi oo sababtay geerifa 3 Caruur ah iyo ilmo kale oo qaangaar ah

Weerarka oo ka dhacay Banaanka hore ee Schoolka ku yaal wadanka faransiiska ayaa sidoo kale sababay Dhaawaca laba Qof oo kale kuwaasi oo loo qaaday Goobaha Caafimaadka ee goobta uu ka dhacay falkan

Dhacdadan ka dib ciidamada Booliiska ee wadanka Faransiiska ayaa baacsi u galay ninka falkan geystay oo watay Mooto Madow taasi oo uu ku baxsanayay markii uu falkan geystay ka dib

Dhacdan lagu dilay Arday wax ka baraneysay Iskuul ku yaala Wadanka Faransiiska ayaa imaaneysa Xilli Maalin ka hor Gudaha wadankaasi nin wata Mooto uu ku dilay 3 askri oo ka mid ah Ciidamada amaanka

Madaxweynaha Faransiiska iyo Wasiirka waxbarshada ayaa sheegay inay u socdalayaan Goobta ay wax ka dhaceen oo ku taala koonfur Galbeed wadanka fararansiiska si ay Muragada ula soo qeybsadaan Dadka Caruurta la laayay.

Dowlado kala duwan oo caalamka ah ayaa weerarkan lagu dilay da’ayrataa waxbaraneysa waxaa ay ku tilmaameen Mid Fool xun oo ah dhacdo aan loo dulqaadin Karin loona baahan yahay cida ka danbeysay in sharciga la horkeeno.

SBC International Monitoring