Iyadoo goor dhaweyd uu xilka Ra’isalwasaaraha iska casilay Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in xilka Ra’isalwasaaraha si KMG ah loogu dhiibayo Ra’islawasaare kuxigeenka sadexaad ahna wasiirka qorsheyna C/wali Maxamed Gaaz.

Warar SBC ay ka heshay ilo wareed oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ay aad ugu badan tahay in si buuxda Ra’isalwasaare loogu magacaabo C/Wali Gaaz, iyadoo wararku tibaaxayaan in Madaxweyne Sheekh Shariif uu mudooyinkan hadal hayey C/wali Gaaz, waxaana warku sheegayaa in ay dhici karto in Cabdi-Wali uu ka haysto garab Gudoomiyaha Baarlamanka, maadama Ra’isalwasaaraha cusub la doonayo inay wadajir uga tashadaan Madaxweynaha & Gudoomiyaha Baarlamanka.

Dhinaca kale in laga dhigo Ra’islawasaaraha Cabdi-Wali Maxamed Gaaz ayaa waxaa aad ugu hiilinaya isagoo ka soo jeeda deegaanada Puntland gaar ahaan gobolka Mudug, iyadoo Puntland ay mudo ka gows adkeysaneysay xiriirka dawlada KMG, waxaana jira warar sheegaya in Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole aad loogala tashanayo Ra’isalwasaraha cusub, taasi oo ah balanqaad ka yimid Gudoomiyaha Baarlamanka oo ay aad xaga siyaasada mudooyinkii ugu dambeeyey isagu dhawaayeen, gaar ahaan markii uu soo shaac baxay khilaafka Madaxweynaha & Gudoomiyaha Baarlamanka.

Dhinaca kale Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa lagu wargaliyey in uu isaga baxo magaalada Muqdisho, maadama wax xil ah aanu ka heyn dawlada KMG Soomaaliya, iyadoo la sheegay in mudo kooban oo uu isku diyaarinayo amaankiisa ay masuul ka noqon doonaan ciidamada AMISOM, wixii ka dambeeyana loo baahan yahay in uu Muqdisho ka baxo.

Go’aankan ayaa ka dambeeyey ka dib markii Maxamed C/laahi Farmaajo uu sheegay in uu ku sii sugnaan doono magaalada Muqdisho isagoo tibaaxay in uu ka qayb qaadan doono hawlgalada ay wadaan ciidamada DKMG , taasi oo loo fasirtey in uu ka faa’ideysanayo taageerada baaxada leh ee uu ku dhexleeyahay ciidamada & waliba taageerada aadka u korortey ee uu ka helay shacabka Soomaaliyeed gudaha & dibada.

Taageerada faraha badan ee uu ka kasbay Farmaajo shacabka Soomaaliyeed ayaa la sheegay in ay tahay talaabo ku abuurtey madaxweynaha & gudoomiayah baarlamanka wal wal aad u badan oo ku aadan loolan uu la galo awooda wadanka, taasina waa mida keentey in saaka daaqada laga saaro isagoo raali ah.

Xafiiska wararka London