Ra’isalwasaaraha DFKMG ah ee shrikii Kampala qodobadii ka soo baxay lagu sheegay in uu casilayo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa khudbad dheer oo uu ka jeediyey idaacada ku hadasha afka DFKMG wuxuu kaga hadley dibadbaxyada balaaran ee maalintii labaad ka soconaya magaalada Muqdisho isagoo sheegay in loo baahan yahay in la maqlo oo la aqbalo rabitaanka shacabka, taasi oo uu ula jeedo in laga noqdo go’aanka iscasilaadiisa oo cadaadis weyn oo ay saartey beesha caalamka lagu go’aamiyey.

“Waxaan u mahad celinayaa shacabka Soomaaliyed, kuwa qoraxda taagan yihiin, biyo la’aanta iyo haraadka ay u dheer tahay, waxaa kaloo u mahad celinayaa geesinimada ciidamada qalabka sida ay u difaaceen sharafka Umada Soomaaliyed”ayuu yiri Farmaajo.

Halkan ka dhageyso khudbada Ra\’isalwasaaruhu shacabka u jeediyey

“Salaadiinta, Culumaa’udiinka, haweenka, waxagaradka iyo dhamaan Bulshada waxay i siiyeen xaqiiqdii kalsooni iyo taageero aan xisabai karin, mana ahan mid aan iloobi doono, waan idin maqlay banaan bixiina shucuuurtiina, taageeradiina, sawaxankiina wan maqlay, talada dalka ayaa wax ku leedihiin, rabitaankiina waa qasab in la maqlo”ayuu yiri Ra’isal Wasaare Farmaajo oo ka codsaday shacabka inay guryahooda ku laabtaan.

“Shacabka mid ayaa leeyahay, ciidamadana mid ayaa leeyahay, shacabka kuwa qoraxda taagan waxaa leeyahay inaad dib ugu noqotaan guryihiina, waxaa rabaa inaad i maqashaan, dhaq dhaqaaqyada faraha badan ha la joojiyo, waxaan rajeynayaa inaad i maqashaan”ayuu yiri Ra’isalwasaare Farmaajo.

Ra’isalwasaaraha ayaa sidoo kale fariin u direy shacabka Soomaaliyeed waxaana uu yiri  “Shacabka midbaan leeyahay, ciidamadana midbaan leeyahay, shacabka qoraxda taagan waxan leeyah guryihiina dib ugu noqda, waxaan  doonayaa in dhaq dhaqaaqyadaan faraha badan la joojiyo, ciidanka qalabka sida ee geesiyaasha ah waxaan leeyahay difaaciina ku jira una dhinta dalkiina hooyo guusha aad gaarteena dib yaan looga noqon, cadowgu waxa ay u egtahay in uu guuldareystey waxaan leeyahay yaan la xoojin”

“Waxaan horay ugu dhawaaqnay in ahmiyada xukuumadu ay tahay dhanka Amaanka, waana u hagar baxney ALLE ayaana Mahad Leh,  waxaan xuquuqdoodii siinay ciidanka qalabka sida si ay uga hortaan cadowga ayna u soo celiyaan wadaninimadii iyo sharaftii lagu yiqiinay Soomaaliya” ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Ra’isal wasaare Maxamed Farmaajo.

Axmed Aar
SBC Muqdisho