Ra’isalwasaaraha DFKMG Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa kulan uu maanta magaalada Muqdisho kula yeeshay xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya wuxuu ugu jeediyey raali galin ku aadan hadii ay jiraan khaladaad ay ka tabanayaan xubnaha Baarlamanka, isagoo taasi ku macneeyey inay tahay sidii looga gudbi lahaa wadashaqeyn la’aanta Baarlamanka & Xukuumada.

“Waxaan idinka codsanayaa inaad iga saamaxdaan wixii khalad ah ee aad iga tabanaysaan, qof aan qalad galin waxba ma saxi karo, waxaanse ka xumahay wixii qalad ah oo aad iga tabanaysaan” ayuu yiri Ra’isalwasaare Farmaajo oo muujiyey in xukuumadiisa iyo isaguba ay diyaar u yihiin inay wadashaqeyn buuxda la yeeshaan golaha baarlamanka.

Kulankn oo ahaa mid aad u adag oo su’aalo & hadalo kulul la isku dhaafsadey ayaa waxaa ka qayb galey 100 xildhibaan ayaa arimihii ugu waa weynaa ee diirada lagu saarey waxaa ka mid ahaa wadashaqeynta xukuumada & baarlamanka. Link-ga Player-ka hgoose ka dhageyso dooda kulankan Halkan ka dhageyso dooda kulankan

“Soomaali hadii aan nahay waxaa dhaqamadeenna kuwa ugu wanaagsan ka mid ah inaan iscafinno, qofka aan wax saxanaa waxba ma qaldo oo qofka inta uu qabto ayuu khaladkiisu le’eg yahay, sidaa daraadeed wixii dhibaato ah ee aan geystay raalli halaga ahaado,” ayuu Farmaajo

Ra’isalwasaaraha ayaa xukuumadiisa ku faaniyey inay tahay xukuumad koox ah oo isku xiran oo si wanaagsan isula shaqeynaysa, wuxuu yiri “Waa la heli karaa dad naga aqoon badan, balse lama heli karo cid iskugu xiran sia aan isugu xiranahay” wuxuna taasi ku macneeyey inay tahay balan adag oo ay ku galeen inay ka shaqeeyaan danta dalka & dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan ku kalsoonahay go’aanka ugu dambeeya ee kasoo baxa baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana xildhibaannada waxaa mas’uuliyadi ka saaran tahay sidii ay uga badbaadin lahaayeen dadka Soomaaliyeed dhibaatooyinka ay ku jiraan,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Qaar ka mid ah xildhibaanadii kulankaasi ka hadley oo si weyn ugu guuxay hadalka cafis dalbashada ah ee Ra’isalwasaaraha ka soo yeeray ayaa waxay farta ku fiiqeen inay aad ku qanceen hadalka Farmaajo waxaana ay sheegeen inay geestooda diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan xukuumada isla markaana laga gudbo wixii horey u dhacay oo danta dalka loo wada guntado.

Kulankan xildhibaanada & Ra’isalwasaaraha ayaa ku soo aadayaa iyadoo Maxamed C/laahi Farmaajo maalinimadii shaley daboolka ka qaaday inaanu iscasili doonin ilaa baarlamanka uu ka fariisto heshiiskii Kampala oo ay ansxiyaan ama diidaan, isagoo sheegay in inta ka horeysa uu sii shaqeyn doono.

Dad badan oo arimaha siyaasada rog roga ayaa fadhiga Ra’isalwasaaraha maanta uu la yeeshey xildhibaanada ay tahay talaabo uu ku doonayo in uu isaga yeero culeyska ama guuxa isaga dhanka ah ee ka soo yeeraya qaar ka mid ah xildhibaanada, islamarkaana uu kaga raadsanayo kalsooni Baarlamanka faraha badan oo ay ku xiran tahay aayihiisa jagada Ra’isalwasaaraha, inkastoo uu helay taageero ka badan madaxweynaha & gudoomiyaha Baarlamanka taasi oo uga timid shacabka Soomaaliyeed gudaha & dibada.

Axmed Aar
SBC Muqdisho