Ra’isalwasaaraha DFKMG Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa goor dhaweyd si kooban ula hadley dadweynaha magaalada Muqdisho ee maanta sida weyn isugu soo baxay, kuwaasi oo si weyn u dhaliilayey heshiiskii ay wada gaareen madaxweynaha & gudoomiyaha Baarlamanka.Banaanbaxayasha oo dhoobnaa barxada Sayidka ayaa Ra’isalwasaaruhu si kooban ula hadley, ka dib markii ay sheegeen inaanay ka tagi doonin goobta oo ay seexanayaan ilaa caawa, waxaana qaar ka mid ah banaanbaxayaasha hogaamiyeyaashoodu ay sheegeen inaanay war ka maqleyn cid aan aheyn  Farmaajo.

Halkan ka dhegeyso khudbada Ra’isalwasaare Farmaajo oo la hadlaya horjoogayaasha banaanbaxayaasha

Dhageyso doodii & hadalkii Ra’isalwasaaraha & Dibadbaxayasha