Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey dekedda Muqdisho, halkaas oo uu kula wareegay mucaawano isagu jirta raashin iyo gaadiid ay dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) u soo dhiibtay shacabka soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo goobtaas ka hadlay ayaa hadalkiissii waxuu ahaa sidan:

Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan maanta kormeer shaqo ku soo gaaro Dekedda Muqdisho, oo ah goobta ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dalka. Farxad weyn bey ii tahay inaan arko mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Dekedda oo gudanaya waajibaadkooda qaran.

Sida aan halkan uga jeedaan dalka aan wallaalaha nahay ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta (United Arab Emirates) ayaa shacabka soomaaliyeed ugu deeqay mucaawanadan aad u jeedaan. Anigoo ku hadlaya magaca dowladda iyo kan shacabka soomaaliyeedba aad iyo aad baan uga mahadcelineynaa wallaalaheen Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) sida ay noo soo xasuusteen, isla markaana ay mucaawanadan noo soo gaarsiiyeen waqti xasaasi ah oo shacabka soomaaliyeed ay aad iyo aad ugu baahanyihiin. UAE waa dal aan xiriir qotodheer leenahay, isla markaana aan ganacsiga ugu badan ay soomaalida ka sameyso.

Ma aha markii ugu horreysey ee ay dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ay mucaawano soo gaarsiiyaan shacabka soomaaliyeed, waxeyna markhaati ka tahay sida ay noo xasuusanayaan waqtiga aan ugu baahi badanahay. Waxaan u caddeyneynaa wallaalaheen UAE in mucaawanadii ay shacabka u keeneen si toos ah loo gaarsiin doono shacabka ugu baahida badan.

 Waxaan ugu baaqayaa bulshada caalamka gaar ahaan waddamada aan wallaalaha nahay iyo kuwa aan saaxiibka nahayba inay shacabka soomaaliyeed la soo gaaraan gar-gaar bani’aadanimo, kuna daydaan dowladda isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Ugu danbeyntii waxaan ka codsanayaa ganacsatada, iyo shacabka soomaaliyeed ee awooda inay gar-gaar bani’aadanimo u fidayaan wallaalahood soomaaliyeed ee u baahan gar-gaarka. Ummaddu waa inay isku tashadaan si looga maarmo kaalmada shisheeye. Somalida dhaqan ahaan waxaa lagu yaqaanay in ay is gar-gaaraan oo deriskooda ay ka warqabaan. Waxaa nagu soo fool leh bisha Ramadan oo nooga wada baahan inaan isu naxariisano, isla markaana isa saacidno. UNHCR waxey sheegeen in bishiiba 10,000 oo qaxooti ah ay gaarayaan xerada Dhadhaab ee Kenya, sidoo kale 5,000 – 6,000 oo qaxooti inay bil walba iska diiwaan gelinayaan xerada Doolow ee dalka Ethiopia.

Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa shaqaalaha iyo maamulka dekedda oo ay ku jiraan shaqaalaha furdooyinka iyo turubataariyada booliska oo runtii la dagaalay musuqmaasuqa. Waxaana ku dhiiri gelineynaa inay sii wadaan dadaaladooda.

DAAWO SAWIRADA

Garaad Salaad Xasan
Agaasimaah Xafiiska Ra’isalwasaaraha