Wafdi balaaran oo uu horkacayo Raiisul wasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya C/wali Maxamed Gaas ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe xarunta dowlada Puntland.

Wafdiga Raiisul wasaaraha waxaa soo dhaweeyay madaxda sar sare ee Puntland sida Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa, qaar ka mid ah labada gole ee xukuumada Puntland iyo ciidamada Baambeyda oo uu salaan ka qaatay Raiisul wasaruhu.

Waxaa ku weheliya safarka Raiisul wasaare Gaas wasiiro ka tirsan xukuumadiisa sida wasiirka Dastuurka iyo kan Maaliyada, waxaana Garoowe ay u yimaadeen sidii ay uga qeyb geli lahaayeen kulanka wadatashiga qeybtiisa labaad oo lagu wado in uu Garoowe ka furmo.

Ka dib Soo dhaweyn Raiisul wasaare Gaas waxa uu la hadlay saxaafada isagoona sheegay in ay garoowey ku sugnaandoonaan 3da maalin ee uu socondoono shirka wadatashiga qeybtiisa labaad, waxaanu intaasi raciyay in kulanka looga falanqoon doono arimaha federaalka, iyo qeybaha kala duwan ee dadka caalamku isku dhaqaan ama nooca dowladnimada.

Waxa uu sidoo kale sheegay Raiisul wasaaruhu in ay iyana Garoowe ku soo fool leeyihiin madaxweynaha DKMG ah, gudoomiyaha baarlamanka iyo weliba xildhibaano iyo wasiiro kale,

C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe