Waxaa garoonka C/laahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacy ee xarunta gobolka Mudug maanta si heersare ah loogu soo dhaweeyay raiisul wasaarihii hore ee dalka Cabdiwali Maxamed Cali Gaas,

Raiisul wasaarihii hore Soomaaliya haatanse ah xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ayaa magaalada Gaalkacyo u soo gaaray ka dib markii xaflad ka dhacday magaalada Muqdisho uu xilkii raiisul wasaare nimo ku wareejiyay raiisul wasaaraha cusub ee la soo magacaabay.

Waxa uu Dr Gaas hadal gaaban oo uu siiyay saxaafada ka dib soo dhaweyntii loo sameeyay uu ku sheegay in uu u yimid gobolka booqasho isagoo tilmaamay in markii hore aanu furas u heli jirin in uu min tuulo u booqdo wadanka shaqo culus oo dulsaarneyd awgeed balse iminka uu fursad u heysto .

Waxa uu intaasi ku daray Xildhibaan Gaas in uu joogi doono gobolka mudooyinka soo socda islamarkaana uu booqan doono deegaano badan oo Gobolka Mudug iyo Puntland ah  gaari doono.

Sikastaba ha ahatee Imaanshaha raiisul wasarihii hore ee dalka gudaha magaalada Gaalkacyo waxa ay ku soo aadeysaa xili isbedel weyn ay gashay siyaasada dalka iyadoo rag wada cusub ay majaraha u qabteen xukuumadii ii qeybta ka ahaa.

Liibaan Qaran
SBC International Garoowe