Magaalada Garoowe xarunta Puntland Maanta waxaa siweyn loogu soo dhaweeyay raiisul wasaarihii hore Soomaaliya hadana ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya  C/wali maxamed Cali Gaas.

Xildhibaan Gaas iyo wadi uu horkacayo ayaa waxaa ay ka soo kici timeen magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug halkaas oo uu maalmihii ugu dambeeyay ku joogay safar kormeer.

Dadweyne Aad u tiro badan iyo Saraakiil sar sare oo ka tirsan xukuumada Puntland ayaa soo dhaweeyay raiisul wasaare Cabdiwali gaas, waxaana soo dhaweyn ka dib loo gudbiyay dhanka iyo madaxtooyada Garoowe halkaas oo ay ku kulmeen isaga iyo madaxda Puntland sida Madaxweynaha iyo kuwxigeenkiisa.

Maalmihii ugu dambeeyay Dr gaas waxa uu safaro ku marayay deegaano ka tirsan Puntland kuwaasi oo ka mid ah gobolka Mudug isagoo sheegay maalmo ka hor markii uu soo gaaray Gaalkacyo in uu iminka fursad u helay in uu booqdo deegaanada Gobolka uuna booqanayo,

Sawiro