Raiisul wasaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon saacid ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay golihiisa wasiirada cusub.

Raiisul wasaare Saacid ayaa kaga dhawaaqay 10 Xubnood oo ka mid noqonaya Xukuumadiisa xaflad lagu qabtay Aqalka MAdaxtooyada Muqdisho.
Waxaa ay u qoran yihiin wasiirada tobanka ah ee lagu dhawaaqay sidan.

1-Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan Ra’isulwasaare Kuxigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda
2-C/laahi Abyan Nuur Wasiirka Wasaaradda Garsoorka,Cadaalladda,Awqaafta iyo Arrimaha Diinta
3-C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka Gaashaandhigga
4-C/kariin Xuseen Guuleed Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka
5-Maxamuud Xasan Suleymaan Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda iyo Qorsheynta
6-C/laahi Cilmooge Xirsi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta
7-C/risaaq Cumar Maxamed Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Dalka
8-Muxidiin Maxamed Kaalmooy Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska
9-Maryan Qaasim Wasiirka Hormarinta iyo Adeegga Bulshada
10-Maxamuud Axmed Xasan Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha