Raisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyrre ayaa soo gaaray magaalada Kismaayo isagoo ka qayb gali doona shirka golaha wasiirrada xukuumadda oo markii ugu horreysay ka dhici doona Kismaayo.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, madaxweyne ku xigeennada, qaar kamid ah golaha wasiirrada federaalka, xubno ka tirsan labada gole ee dowlad gobaleedka Jubaland qaar kamid ah salaadiinta iyo ugaasyada iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Raisul wasaaraha ayaa soo dhoweynta madaarka kadib loo galbiyay madaxtooyada Kismaayo halkaas oo isugu diyaarinayo shirka maalinta berri ah ka dhici doona aqalka nabada ee magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo wafdiga Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiiradiisa ee Kismaayo tagay, waxaana uu ku tilmaamay in Kismaayo lagu qabto shirka Golaha Wasiirada ay guul u tahay dadka Jubbaland, ayna qeyb ka tahay baahinta dowladnimada.

Illaa afar diyaaradood ayaa maanta Kismaayo u daabushay Golaha Wasiirada, Ilaalada mas’uuliyiinta Xukuumadda, Xogheynadooda, Fanaaniin iyo dad kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Kismaayo uu yimaado, isla markaana uu ku shir guddoomiyo shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada.

Madaxda heerka federaal ayaa xaflad soo dhoweyn ah loogu sameyn doona aqalka nabadda ee magaalada Kismaayo iyadoo ay halkaasi ka tumi ugu yaraan toban fannaaniin Soomaaliyeed ah oo wafdiga maanta la socotay.

Ugu dambeyntii shacabka magaalada Kismaayo ayaa si wayn ugu riyaaqay in shirka golaha wasiirrada lagu qabto Magaalo Xeebeedka Kismaayo.