Raiisul wasaaraha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay Qaraxii maanta ka dhacay tiyaatarka Magaalada Muqdisho Xarunta Dalka .

Raiisul wasaaraha ayaa sheegay in uu si weyn uga xunyahay Falkaasi meesha ka dhacay isagoona ku tilmaamay in uu yahay mid Waxuushnimo ah sida uu hadalka u dhigaye.

Raiisul wasaarunu waxa uu u tacsiyeeyay ehelada Dadkii ku dhintay Qaraxaasi isagoona sheegay in uu alle uga baryayo Samir iyo iimaan inuu ka siiyo inta dhaawaca ahna uu u rajeeyay Caafimaad isagoona intaasi raaciyay in ay ku dadaali doonaan ka dowlad ahan dhaawaca dadkaasi.

Waxa uu weeraray Dadkii ka dambeeyay Falkaasi isagoona tilmaamay in ay ka dambeeyaan Xarakada Alshabaab Almujaahidin, waxaanu u sheegay in aanay ka weecin doonin wadadii ay ku socdeen tanina aysan wax saameynta ku yeelan doonin xukuumad ahaan.
Dhageyso CodkaRAiisul wasaare Gaas

Sikastaba ha ahaatee waxaa uu raiisul wasaruhu goob joog ka ahaa maanta markii uu qaraxu ka dhacayay tiyaatarka, kaasi oo u muuqday mid isaga lala damacsanaa.

Xarakada Shabaab Almujaahidiin ayaa iyana dhankeeda shaacisay in ay ka dambeeyaan qaraxaasi masuuliyadiisana ay leeyihiin.