Raiisul Wasaaraha Turkiga Rajab Dayib Ardogan iyo Wafdi balaaran oo uu horkacayo ayaa maanta ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya.
Raiisul wasaaraha iyo Wafdigiisa oo ay ka mid yihiin golaha wasiirada ee dalkaas ayaa waxaa siweyn u soo dhaweeyay madaxda sar sare ee Baarlamanka dowlada KMG ah ee Soomaaliya oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Dalka Shariif Sh Axmed, Raiisul wasaarihiisa iyo weliba Gudoomiyaha baarlamanka .
Soodhaweyn iyo Gacan qaad ka bacdi waxaa wafdiga Raiisul wasaaraha turkiga iyo kan DKMG ah ay bilaabeen in ay Booqashooyin ku tagaan goobaha ay ku jiraan dadka tabaaleysan ee magaalada Muqdisho .
Amaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay iyadoo la arki karay inay xiran yihiin wadooyinka waaweyn ee magaalada gaar ahaan Maka Almukarama iyo wadooyin kale

Inkastoo ay soconeyso Booqashooyinka uu raiisul waraade Erdogan uu ku marayo xeyraha Dadka Macluulsan ayaa hadana waxaa lagu wadaa in ay goor dhow saxaafada la hadlaan Madaxda labada dhan

Safarka raiisul wasaare Erdogan iyo Wafdigiisa ayaa ku taxaluqa Arimo badan oo ay ugu weyn yihiin Arimo ku aadan Macluusha Ba’an ee ka taagan dalka iyo sidii indhaha caalamka loogu soo jeedin lahaa dhibaatada ka jira dalka.

Raiisul wasaaraha Turkiga, Marwadiisa iyo Madaxda Dalka oo dultaagan Haweeney iyo Ilmaheeda oo Macluulsan.

Cidamo Isugu jira Somali iyo Turkish oo Amaanka Sugayay

SBC International News Desk