Ra’iisul wasaraaha Dalka Talyaaniga Mario Monti ayaa kulan uu Magaalada rome kula qaatay dhigiisa Dalka Soomaaliya Dr C/wali Maxamed gaas waxaa uu kala hadlay in ay dowlada Soomaaliya ka qeybqaato siideynta Muwaadiniin Talyaani ah oo gacanta ugu jira Burcad badeeda Soomaalida.

Raiisul wasaare C/wali ayaa sheegay in uu balan qaadayo in uu dowlada talyaniga ku caawiyo sidii loo siideyn lahaa Shaqaale Talyaani iyo dalal kale iskugu jira oo bishii December ee sannadkii tagay lagu qafaashay Xeebaha ka baxsan Dalka Soomaaliya.

Dr. C/wali Maxamed Cali ayaa xusay in dowladiisa ay ka go’an tahay ka hortagida Khatarta Burcad badeeda Soomaalida ee dhibaatada ku haysta Gadiid badeedka Caalamka u kala goosha ee maraya Biyaha Caalamka.

Dalabka Dowlada Talyaaniga ee Raiisul wasaarah Soomaaliya ayaa imaanaya xilli burcad badeeda Soomaalida uu gacantooda ku jiraan 18 shaqaale ah oo la socda Markab talyaaniga laga leeyahay oo lagu magacaabo Enrico Ievoli.

Markabka Enrico Ievoli ayaa waxaa uu gacanta Burcad badeeda galay dhamaadkii sannadkii tagay ee 2011 isaga oo ka yimid iskutaga Imaaradka Carabta marayana Badda Midhitereeniyanka

Markabkan oo ah mid Xamuul ayaa waxaa la socda shaqaale u kala dhashay wadamada Talyaaniga, Ukraine iyo hindi waxaana uu noqonaya Markabkii labaad oo talyaaniga laga leeyahay  muddo kooban burcad badeeda ugu gacan gala

Maraakiib laga leeyahay Dalka talyaniga ayaa dhamaadka Sannadkii tagay waxaa lagu sidayay Lacag Madaxfurasho ah oo la siiyay Burcad badeeda Soomalida kuwaasi oo iminka u muuqda kuwo dalbanaya mid la mid ah dhaqaalihii horey loo siyay.

SBC International Monitoring