Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta u ambabaxay dalka Uganda+Sawiro

Warasaxaafadeed  Muqdisho, June, 27, 2012, —— Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta u ambabaxay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in socdaalkiisa uu ku wajahan yahay dalka Uganda, Isagoona kulamo la qaadan doono Madaxweynaha dalka Uganda Mudane,Yoweri Museveni.

Wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha oo saxaafadda kula hadlayay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in dowladda Uganda ay ka wada hadli doonaan sidii  kor loogu qaadi lahaa  xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda.

“Sida aad la socotaan dowladda Uganda waxaa inaga dhaxeeya xiriir Diplomacyadeed, marka waxaan ka wada hadleynaa sidii arrimahaasi kor loogu sii qaadi lahaa”.

Sawiro

– DHAMAAD –




Diraac Salaad Fagaase.
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616 084650
          Mogadishu, Somalia
Daalacatey :347

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print