Magaalada Marka Cadeey ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose waxaa maanta gaaray wafdi balaaran oo uu horkacayay raiisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon.

Raiisul wasaaraha ayaa saaka ka qaaday magaalada Muqdisho diyaarad nooca qumaatiga u kaco ah isaga iyo wafdi wasiiro ah oo uu horkacayo waxaana ay kormeer ku mareen inta aysan gaarin xarunta gobolkaas degmada Shalambood halkaas oo ay kormeero ka sameeyeen.

Waxaa siweyn loogu soo dhaweyey xarunta gobolka Shabeelaha hoose ee Marka, iyadoo halkaasi ay kulamo kula qaateen xubnaha masuuliyiinta gobolka iyo weliba dadka deegaanka qeybahooda kala duwan.

Safarkan waxa uu noqonayaa markii ugu horeysay oo uu Dr Saacid ku gaaro magaalada Marka tan iyo intii loo magacaabay xilka raisul wasaarenimo.

SBC INternational muqdisho