Raysal Wasaraha Somaliya C/wali Maxamed Cali Gaas oo maalinnimadii shalay soo gaaray magaalada Garoowe xarunta Dowlada Puntland ayaa maanta halkaasi kulamo kula yeeshay qeybo farabadan oo ka mid ah Waxgaradka, Isimada iyo Cuqaasha puntland.

Maanta waxaa uu raiisul wasaare Gaas kulan Gaara kula qatay Xarunta Madaxtooyada Garowe Isimo iyo Cuqaal ka soo Jeeda Degaamada Sool, Sanaag iyo Cayn kuwaas oo ay ka wada hadleen Arrimo la xirira Degaanka,

Inkastoo uu kulankaasi ahaa mid albaabada u xiran ayaan wax wara oo kale oo ka soo baxay kulankaan oo qaatay saacado lama sheegin, waxaana qayb ka ahaa Madaxwayne ku xigeenka Puntland C/samad Cali shire iyo Xubno kale oo ah Gobolka

Waxaana lagu wadaa sidoo kale Raysal wasarahu in uu kulamo la qaato Cuuqasha iyo waxgaradka Puntland oo ku sugan Garowe walina lama sheegin Wafdiga Raiisul wasaare Gaas oo uu horkacayey Goorta uga ambabixi doonaan Caasimada Puntland, hase yeeshee waxaa lagu wadaa in uu inta uu joogo uu madaxda sare ee Puntland kala hadli doono sidii loo sii wadi lahaa xiriirka labada dhinac.

Hadaba Daawo Sawirada