Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kormeeray Isgoysyada illaa 9 degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir, isagoo u kuur galayay xaalada amniga iyo qaabka ay ciidamada ammaanka u sugayeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehliyay Wasiirka Amniga, Taliyeyaasha NISA iyo Saraakiil ciidan, waxaana uu tagay degmooyinka Yaaqshiid, Waaberi, Xamarweyne, Shingaani, C/casiis, Hodan, H/wadaag, Wadajir iyo Warta Nabada.

Mr Kheyre ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidamada ee uu kula kulmay waddooyinka uu kormeerka ku marayay, isagoo saraakiilka kala hadlay sidii loo xoojin lahaa howl galada xasilinta Amniga Caasimadda.

Intii uu Ra’iisul Wasaaraha uu kormeerka ku jiray ayaa waxaa uu Isgoyska Bakaaraha kula kulmay howl gal ay wadeen Ciidamada Xasilinta, xilligaas oo baaritaano ku howlanaayeen, waxaana uu ku bogaadiyay sida wanaagsan ee ay ciidamada u gudanayaan waajibaadka qaran ee loo xilsaaray

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa waddooyinka Muqdisho kula kulmay dhalinyaro ciyaareysay Taraq, isagoo la ciyaaray dhalinyarada, kalana sheekeystay xaaladooda iyo tan amniga magaalada.