Raiisul wasaaraha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi balaaran oo uu horkacayo ayaa daqooqado ka hor soo gaaray magaalada Garoowe xarunta Maamulka Puntland .

Garoonka diyaaradaha magaalada GAroowe waxaa wafdigani ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Faroole iyo kuxigeenkiisa Gen C/samad Cali Shire, iyo weliba xubno ka tirsan labada gole ee Dowlada.

Waxaa sidoo kale halkaasi tagay dadweyne aad iyo aad u tiro badan oo siweyn u soo dhaweeyay, Raiisul wasaraha .

Raiisul wasaare Gaas iyo wafdigiisa ayaa safarka ay ku yimaadeen Garoowe, ayaan ahayn mid horay loo sii shaaciyay, waxaase la filayaa dhowaan in uu ku qabto kulan saxaafadeed madaxtooyada Garoowe kaas oo uu ugaga faah faahinayo ujeedada safarkiiisa.

C/Naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe.