Waxaa saakay gaaray Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga wefdi uu hogaaminayey R/wasaaraha Soomaaliya, oo qeyb ka ah ka qeybgalayaasha kulan maanta ugu furmaya dhinacyada Soomaalida Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, waxaana shirka ka qeybgalaya ergooyin ka kala socda TFG-da, Puntland, Galmudug & Ahlusuna waljamaaca.
Shirkan oo ay soo qabanqaabisay kooxda xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya, oo ah dalal gaar ah oo isugu tegay, loona xilsaaray furdaaminta , ayaa wuxuu noqonayaa shirkii ugu dambeeyey ee kooxahani ay isugu yimaadaan.
“Shirkan qodobada muhiimka ah ee lagu lafagurayo waxaa ka mid ah in laga hadlo, meelna la isla saaro Dhammaadka KMG, Qaabka uu u dhammaanayo KMG, Nabadgelyada, daganaanshaha & la dagaalanka burcad-badeedka” ayuu yiri Xassan Max’ed Siciid Samatar oo ah Wasiirka kaluumeysiga & kheyraadka badda, kana mid ahaa ergadii Galmudug kaga qeybgashay shirka.
Shirkaan ayaa Furmaya Maanta, waxaana lagu wadaa in lasoo gaba gabeeyo Maalinta Barrito ah iyadoona, laga soo saari doono War-Murtiyeed ku aadan, waxyaabihii loogu wada hadlay shirka Maanta Furmaya.
Ugu dambeyntii Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in shirka uu furmay islamarkaana uu furay mid ka mid ah golaha wasiirada Dowlada talyaaniga.
Suleeqo Maxaamuud Qabowsade
SBC International Muqdisho