Raiisul wasaaraha Talyaaniga oo is casilay

Silvio Berlusconi oo muddo 17 sanno ah ku soo jiray siyaasada dalka talyaaniga ayaa iska casilay xilka raiisulwasaaraha kadib markii uu waxbadan ka qaban waayay dhaqaale xumada wadankaasi soo foodsaartay.

Madaxweynaha wadanka talyaaniga President Giorgio Napolitano ayaa ka aqbalay Berlusconi inuu iscasilo iyadoo horey uu madaxweynuhu u sheegay in uu is casili doono bacdamaa uu dalka u galay xaalad khatar ah oo dhinaca dhaqaalaha ah.

Ka dib markii ay si rasmi ah u soo shaac baxday iscasiladaa raiisul wasaarihii hore Berlusconi ayaa waxaa dibad baxyo iskugu soo baxay magaalooyinka waaweyn dad farabadan oo siweyn ula dhacsan in uu halkaasi ka tago Raiisul wasaarihii hore ee dalka talyaaniga

Madaxweynaha wadankaadi talyaaniga ayaa waxaa uu wadahadal kooban la leeyahay Mario Monti oo ah siyaasi dalka talyaaniga ka soo jeeda kaasi oo uu madaxweynuhu ku ka dalbaday in uu raiisulwasaare KMG ah ka noqdo dalka inta dhaqaalaha wadanka la soo kabayo.

Raiisul wasaarihii hore ee dalka talyaaniga waxaa intii uu ku jiray siyaasada dalkaasi aad u hareeyay fadeexado badan oo ku aadan inuu wax ka qaban waayay dhaqaalaha wadanka iyo sidoo kale inuu ku kacay falal dhinaca jinsiga ah oo wax badan u dhimay Sharaftiisa iyo tan dalka talyaaniga.

Wadanka talyaaniga waxaa iminka u yaala howlo farabadan oo ay ugu horeyso soo magacaabista raiisul wasaare cusub iyo sidoo kale habeynta qorshaha dhaqaale ee dalkaasi iyo ugu danbeyn in dalkaasi oo iska bixiyo deymaha caalamka looga leeyahay

Jihaan Maxamed Cabdi
SBC International Monitoring