Ra’iisalWasaare Shirdoon oo si weyn loogu soo dhaweeyey Caabudwaaq Cod+SAWIRO

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayna ka mid yihiin guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar, Wasiirada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhiga, Wasiir kuxigeeno, Xildhibaano iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha oo saaka safarka dhanka dhulka ah kaga soo ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa markii ay magaalada soo gaareen si weyn loogu soo dhoweeyey Barxadda Saldhigga degmada halkaasoo ay isugu soo banaanbaxeen kumanaankun oo dadweynaha magaalada iyo hareeraheeda. Iyaga oo ku dhawaaqayay erayo ay ka mid yihiin (Soo dhowaada Jaalayaal).

Ra’iisal Wasaaraha oo dadweynaha la hadlay ayaa aad ugu ammaanay sida ay isu xil qaameen shacabka reer Caabudwaaq, una soo dhoweeyeen wafdiga dowladda ee u kuurgalaya xaaladda gobolada dalka, gaar ahaana gobolada dhexe.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa  yiri “Dowladda Soomaaliyeed kuma eka Muqdisho oo kaliya, waxayna u kuurgaleysaa dhamaamba xaaladda gobolada dalka Soomaaliyeed, waana sii wadeynaa kormeerkan” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo xusay in soo dhoweyntan ay tusineyso sida shacabka Caabudwaaq u taageersan yihiin dowladdooda.

“Waxaan idiin cadeynayaa in kaalinta dowladda aad ku leedihiin aanu diyaar idiinla nahay, adinkana waxaan idinka sugeynaa kaalinta ay dowladdu idinku leedahay inaad dhameystirtaan” ayuu mar kale yiri Ra’iisal Wasaaraha oo uga mahadceliyay dadka degmada sida ay isaga difaaceen kooxaha nabadiidka ah.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada ayaa kula dardaarmay shacabka reer Caabudwaaq inay nabadda iyo is dhexgalka ka shaqeeyaan, wuxuuna si gaar ah ugula dardaarmay inay nabad kula noolaadaan degmooyinka iyo gobolada deriska la ah. taasoo buu yiri keeni karta nabada oo horumarta.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa u balan qaaday in dowladdu ku taageeri doonto degmada iyo gobolkaba sidii ay u yagleeli lahaayeen maamul gobol oo ku waafaqsan Dastuurka.

Ugu dambeyntiina Ra”iisal Wasaaraha ayaa u mahadceliyay maamulka gobolka, iyo kan degmada, odayaasha dhaqanka, haweenka, ardayda iyo dhamaan bulshada degmada, wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay ciidamada AMISOM, gaar ahaana kuwa Walaalaha Jabuuti oo qeyb libaaxleh ka qaatay sugidda amniga gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

HALKAN KA DHAGEYSO QUDBADII UU KA JEEDIYEY CAABUDWAAQ RA’ISALWASAARE SHIRDOON

DAAWO SAWIRADA
rw_cw rw_cw_2 rw_cw3 rw_cw4 rw_cw5 rw_cw6 rw_cw7 rw_cw8 rw_cw9 rw_cw10 rw_cw11 rw_cw12  rw_cw13

 SBC News Desk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print