Reysulwasaaraha Somaliya Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke,  iyo wefdi uu hogaaminaayo, ayaa waxay maanta gaareen Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, xilli ay ka amba baxeen Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga, General C/qaadir Sheekh Cali Diini oo labaduba horey ugu sugnaa Magaalada Cadaado, ayaa ku soo dhaweeyay wefdig Ra’iisal Wasaaraha.

Wefdiga Ra’iisal Wasaaraha waxaa loo kaxeeyay hawlka Kafaalo oo Uu Ka Furay Wajiga Labaad ee Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe.

Xukuumadda waxay culeys xoogani saaraysaa qabsoomidda doorashada Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe, xilli ay la doonayso shakhsi si dhow loola xiriiriyo Madaxweynaha Somaliya.

Ergada Gobolada Dhexe waxay marka hore soo dooran doontaa Madaxweynaha, iyadoo shaqada labaad ay qaban doonaana ay tahay soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka, ansaxinta Calanka, Caasimadda iyo Dastuurka.

Bisha June ee kaabiga inagu soo hayso, ayaa waxaa lagu wadaa in la soo doorto Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe, haddii aanu qorshuhu waxba iska bedelin.