Ra’iisal Wasaaraha ayaa dhanka kale faray saraakiisha in xal loo helo fal dambiyeedka ay ka midka yihiin dhaca, dilka iyo kufsiga, isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yiri.
“Gabar Soomaaliyeedbaa la kufsaday ninkii kufsadayna lama hayo, waa wax laga fiican yahay, qofbaa la dilay gacan ku dhiiglihiina lama hayo micnaheedu waa sharci ma jiro. Waxaan idin farayaa in dambiilayaasha la qabto mudnaantoodana la ma mariyo.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa kula dardaarmay saraakiisha in kor loo sii qaado sugida amniga dalka, shacabka Soomaaliyeedna ay helaan ammaan buuxa si noloshu caadi ugu soo noqoto. “Waa in qofku amni ku helo gurigiisa iyo beertiisa kalsoonina ku noolaado.”. wuxuuna intaasi sii raaciyay “Si aad taasi u suurtagelisaan dowladdu wey idinla garab taagan tahay wixii taageero ah”.
Gabagabadii Ra’iisal Wasaaraha ayaa salaan ka qaatay kooxda Banbeyda, isaga oo kormeeray qeybaha kala duwan ee taliska.
—Dhamaad—
–
Garad Salad Hersi
Press officer
Mogadishu, Somalia