Wararka deg dega ah ee ku soo dhacaya waqabadka SBC International ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho xarunta dalka lagu dilay Agaasimihii Idaacada Shabeele ee Magaalada Muqdisho.

Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa la sheegay in ay rasas huwiyeen Agaasime Xasan Cusmaan Cabdi xili uu shaqada ka baxay caawa fiidkii hore

Ma jiraan warar kale oo faah faahsan oo ka soo baxaya dilka Agaasimaha, balse qaar ka mid ah wariye yaasha warbaahinta Shabeele ayaa noo xaqiijiyay in uu dhintay Agaasime Xasan Cusmaan Cabdi Fantaastico.

Ma ahan markii ugu horeysay oo magaalada Muqdisho lagu dilo wariye Ama Saxafi kuguda jiray Howlihiisa shaqo, waxayna aheyd falkii ugu dambeeyay ee dil loogu geysto magaalada Muqdisho wariye ka howlgalayay Tv-ga HornCable

 SBC News Desk