Dalka Kenya ayaa waxa ka taagan xiisad ka dib markii madaxweynaha xilka haya, Uhuru Kenyatta, loogu dhawaaqay in uu yahay ninka ku guulaystay doorashadii lagu murmay ee madaxaxtinimada.

Meello kale duwan oo ay dagan yihiin taageerayaasha hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa waxaa xalay ka qarxay rabshaddo looga soo horjeedo guusha madaxweyne Uhura Kenyatta.

Rasaas ayaa ka dhacaysay xaafaddaha isku-raranta ah ee Kibera iyo Mathare ee Nairobi, iyo xaafadaha kale ee saboolka ah.

Sidoo kale magaalada dhinaca galbeedka ku taalla Kisumu rabshado ayaa ka dhacay.

Booliska Kenya ayaa rasaasta dadka ka ilmeysiisa ku furay dad rabshado ka dhigay.

Dhinaca kale, hay’adda Human Rights Watch ayaa booliska Kenya ugu baaqday inay is-xakameeyaan xiligan xasaasiga ah oo aanay awood u isticmaallin dadka dibadbaxyada sameynaya.

Taageerayaasha Kenyatta

Human Rights Watch waxay sheegtay in dibadbaxyada dhacaya iyo rasaas xoog badan oo meelaha qaarkood laga soo sheegayo, ay muhiim u tahay ciidanka amniga inay xaaladda dajiyaan ee aanay uga sii darin rabshadaha.

“Boolisku yaanay isticmaalin suntan danka kaga ilmeysiisa iyo rasaasta nool” sidaasi waxaa sheegay Otsieno Namamaya oo ka tirsan hay’adda Human rigths Watch.

Kenyatta ayaa shacabka ka codsaday xasilooni waxaanu sheegay in aanay cidna dan u ahayn in lagu noqdo qulqulatooyinkii dhacay doorashooyinkii 2007-dii oo kale.

Qalalaasihii ka dhashay doorashooyinkii 2007-dii waxa ku dhintay in ka badan kun qof waxaana u bara kacay nus malyuun qof oo kale.

Hase yeeshee ilaa haatan ma uu hadal Raila Odinga.