Rabshado baaxad weyn oo dhiig ku qubtey, hanta fara badana ay ku baaba’day, isla markaana dhalisay cabsi, jahwareer, hakad ku yimid isu socodkii gaadiidka dadweynaha & gawaarida, jidadkii xayiray ayaa ka oogan waqooyiga magaalada London halkaasi oo ay isku horimaadyo ku dhexmarayaan ciidamada Booliiska & kooxo dhalinyaro ah oo careysan.

Rabshadan waxay ka socdaan degmooyinka Enfield,  Dalston & Hackney ee waqooyiga magaalada London gaar ahaan xaafadaha Tottenham, Edmonton, Wood Green, West Norwood, Green Lane, Mare St, Notting Hill & deegaano kale oo ku xeeran, iyadoo bililiqo xoogan & boob lagu kala kacay dukaamo waa weyn oo ku yiil goobahaasi & xarumo ganacsi.

Rabshadahan oo socda maalintii sadexaad oo xiriir ah waxay ka dhasheen dil ay ciidamadu Booliisku u geyteen nin 29 jir ah oo lagu magacabi jirey Mark Duggan ninkaasi oo looga shakisan yahay in uu yahay kooxaha dambiilayaasha iyadoo ciidamadu Booliisku ninkaasi markii ay toogteen la sheegay in uu hubeysnaa oo uu rasaaseyey Booliiska isla markaana uu ka dhaawacay laba nin, waxaana ninkan uu ka mid ahaa dhalinyarada caanka ka ah waqooyiga London gaar ahaan deegaanada ay ku badan yihiin dadka asalkoodu ka soo jeedo madowga.

Kooxo dhalinyaro ah oo aad u careysan kana dhiidhiiyey dhilka loo geystey Mark Duggan ayaa isugu soo baxay wadooyinka xaafadaha waqooyiga Magaalada London waxaana ay dab qabadsiiyeen mid ka mid ah basaska labada dabaq ee gaadiidka dadweynaha, laba baabuur oo ay lahaayeen ciidamada Booliiska, dukaamo & dhismayaal ku yiil wadada Tottenham.

Rabshadahu waxay ku faafyeen deegaano kale oo fara badan waxaana ciidamada Booliisku ay si toos ah isku farasaareen dhalinyaradaasi waxaana la dhaawacay tobanaan ka mid ah ciidamada Booliiska, iyadoo sidoo kale la qabqabtey in ka badan 100 dhalinyarada rabshadaha wada.

Guud ahaan waxaa istaagey gacansigii deegaanadaasi waxaana albaabada loo laabay xafiisyadii ku yiil goobahaasi, iyadoo sidoo kale ay xirmeen wadooyinka, iyadoo rabshaduhu u muuqanayaan kuwa xadiga ka sii baxaya.

Goobaha caanka ah ee la bililiqaystey waxaa ka mid ah dukaan caan ah oo ku yiil deegaankaasi kaasi oo lagu magacaabo JJD Sports, iyagoo dukaankaasi ay gudaha u galeen oo ay jabsadeen kooxo bililaqystayaal ah oo rartey isla markaana boobay wixii halkaasi yiil.

Rabshaduhu waxaa laga cabsi qabaa inay ku faafaan deegaano kale oo ka mid ah magaalada London waxaana la sheegay in albaabada la isagu laabay suuqa weyn ee Stratford Shopping Centre oo ku yaal Bariga magaalada London, sidoo kale suuqa caanka ah ee lagu magacabao Westfield oo ku yaal Galbeedka magaalada London isla markaana ah suuqa ganacsi ee ugu weyn Yurub ayaa la aaminsan yahay in uu ka mid yahay meelaha calaamadeysan, iyadoo la dhisay darbiyo ku aadan adkeynta amaanka suuqadaasi oo ah kuwa ku meel gaar ah.

Xoghayaha amuuraha gudaha Britain Home Secretary Theresa May waxay soo afjartey socdaal dalxiis ah oo ay xagaaga ku qaadanaysay wadanka Biritain dibadiisa, iyadoo dib ugu soo laabatey London si ay xaaladan halista ah u wajahdo.

Saraakiisha Booliiska gaar ahaan Scotland Yard waxay balanqaadeen in wadooyinka magaalada London caawa lagu baahin doono ciidamo dheeraad ah oo Boliis ah, iyadoo ciidamada Booliisku ay isku diyaarinayaan caawa rabshadaha habeenkii sadexaad oogan.

Rabshadahan waxaa ka qayb qaadanaya dhalinyaro aad u yar yar oo 20 sano ka yar, kuwaasi oo Booliiska kula dagaalamaya dhalooyin gaas ku jiro, dhagaxaan, dab & waliba mindiyo.

Rabshadaha ayaa si xoogan u socda waxaana la sheegay inay ku faafayaan degmooyin hor leh.

Warar dheeraad ah kala soco SBC

DAAWO MUUQAALADA LIVE RABSHADAHA OO DHACAYA.



DAAWO SAWIRADA


Mowliid Xaaji Cabdi

Mowliidsons@gmail.com