Rabshadaha bililiqada & fawdada ku saleysan ee ka oognaa magaalada London ee caasimada UK ayaa caawa ku fidey magaalooyin fara badan oo ka tirsan wadanka England gaar ahaan gobolada West midlands & Greater Manchester, waxaana la soo sheegayaa in boobkii ugu xumaa mudo 30 sano ah in uu ka dhacay magaalooyin kala duwan sida magaalada Manchester.

Magaalooyinka Manchester, Liverpool, Birmingham, Wolverhampton, West Bromwich, Nottingham, Leicester  & Salford ayaa caawa ku biiray magaalada London oo wheel u aheyd mudo afar habeen ah rabshado khasaare baaxad leh, dhimasho & dhaawac sababay.

Ilaa iyo hada magaalada London nin 26 jir ah oo ku dhaawacmey degmada Croydon ee bariga magaalada London  ayaa u geeriyoodey dhaawacii ka soo gaarey rasaas haleeshay.

Tirada Booliiska dhaawacmey

Taliska ciidamada Booliiska UK ee loo yaqaan Scotland Yard waxay caawa xaqiijiyeen in ugu yaraan  111 in ay ku dhaawacmeen rabshadaha ku baahay wadanka UK waxaana la sheegay in qaarkood ay dhaawacyo ka qabaan madaxa & indhaha.

Booliiska fasaxa qaadan lahaa oo la baajiyey

Ra’isalwasaaraha Britain David Cameron ayaa shaaca ka qaaday in dhamaan ciidamada Booliiska ee loo yaqaan Metropolitan Police ee fasaxyada qaadan lahaa laga joojiyey fasaxasaasi taasi oo qayb ka ah dajinta xaalada amaanka.

London oo degan balse Bandow la mid ah

Magaalada London oo ay ka bilowdeen rabshadaha caawa (Talaado) waxaa degan degmooyinkii & xaafadihii rabshaduhu ka dhaceen waxaana arintan ugu wacan ka dib markii ciidamo Booliis ah oo gaaraya 16 kun lagu daadiyey wadooyinka goobaha rabshaduhu ka dhaceen, isla markaana waxaa la sheegay in goor hore oo galabta ah albaabada la isagu laabay goobo fara badan oo ganacsi oo ku kala yaal Galbeedka, Bariga, Waqooyiga & Koonfurta London taasi oo ku aadan digniino ay bixiyeen Booliiska & golayaasha degmooyinka.

Rabshadaha oo saameeyey Ciyaarihii

Ciyaarihii ama Sports-kii nooc kasta oo ay ahaayeen haba ugu darnaatee kubada cagta waxaa saameyn ku yeeshay rabshadaha, waxaa la baahiyey ciyaar kubad cagta ah oo habeenimada Arbacada ku dhexmari laheyd garoonka Wembley xulka qaranka England & kan Holand, kulankaasi oo ahaa mid saaxiibtinimo dib ayaa loo dhigay.

Sidoo kale ciyaaro ka mid ah division-da 1-aad & labaad oo ka dhici lahaa Bariga London ayaa dib loo dhigay, waxaana laga cabsi qabaa in ciyaaraha Premiership-ka oo Sabtid bilaaban lahaa inay saameyn ku yeeshaan rabshaduhu uu ay ku yimaadaan dib u dhac, maadaama 8 magaalo oo ay rabshaduhu ka aloosan yihiin ay yihiin magaalooyinka ay ka dhisan yihiin in ka badan 10 kooxood oo ka qayb qaadanaya sanadkan Premier League-ga.

DAAWO SAWIRADA
 

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com