WALAAL  MARKA HORE WAXAAN IDIN LEEYAHAY BAHDIINA SAXAAFADA AAD BAAD U MAHADSANTIHIIN,  WALAALAYAAL WAXAAN RABAA IN MARKA HORE AAN KA RAALI GALIYO MU WAADINKA GEESIGA AH EE MADAXWAYNAHA WAYDIIYEY SU AALO LOO BAAHNAA OO HADAANU NAHAY QURBA JOOGTA PUNTLAND AAN WADA SUGAYNAY OO XATAA HADII UU IMAN LAHAA MADAX WAYNUHU WADANKA AANU JOOGNO AANU WAYDIIN LAHAYN ,LAAKIIN UU MADAX WAYNUHU SI KALE UGU JAWAABAY MARKA WAXAAN LEEYAHAY WALAAL IN DHA BUUR ANOO KU HADLAYA MAGACA QURBA JOOGTA GOBOLKA MUDUG IYO NUGAAL   WAXAAN KU LEEYAHAY  ARIN TAA AAD IYO AAD BAANU UGA XUNAHAY KAAGANA RAALI GALINAYNAA ADOO AH MADAXDAYADII AMA BAARLAMAANKII PUNTLAND KU TAAGNAYD SIDII ADIGUBA HADII HADAL KAA DHICI LAHAA AAN ISAGABA UGA RAALI GALIN LAHAYN.

 WALAAL HAWSHA AAD UMADA U HAYSO HALKAA KA SII WAD HANA KU NIYAD JABIN HADALADAN OO KALE ILAA UMADU AY KA GAARAYSO HADAFKEEDA IYO DIMOQRAADIYAD, WAXAAN KALOO KUU SHEEGAYAA IN ADIGA XANUUNKA KAA HAYA GOBOLADA AAD MATASHID IN ANAGANA AAN XANUUNKA KULA QABNO AANAAN GARANAYNA SIDA WAX YIHIIN MADAXDII WADANKUNA SIDAA U JAWAABAYAAN WAA ARIN MURUGADEEDA LEH. HADABA XILDHIBAAN SALEEBAAN YUUSUF  WAXAAN KU LEEYAHA ARINTAA MARLABAAD XAAL BAAN KAA SIINAY HAWSHA UMADA REER PUNTLAND OO DHAN AAD U HAYSANA HALKAA KA SIIWAD OO HAKA CAAJISIN ILEEN UMADA KITAAB BAAD UMARTEENE… 

MADAX WAYNE DADKAN KULA SHAQAYNAYA MUCAARAD IYO MUXAAFID TIX GALINTEEDA AYAY LEEYIHIIN WAXAANA HABOON IN AY SU’AALAHA LAGU WAYDIINAYO KUWO QALAD AH IYO KU SAX AHBA AAD UGU JAWAABTO UMADA SI WANAAG SAN OO DULQAADKEEDA LEH,DADKANI MAAHA DAD ADIGA MEEL KUUGU XERAYSAN EE OGOW INAY TALADA WADANKA KULA LEEYIHIIN WAX WALBANA AY KAA WAYDIIN KARAAN.

QOFKII SU AALO KHALDAN KU WAYDIIYA WADUN KU WUXUU LEEYAHAY HAY AD GARSOOR, EE ARINKU  MAAHA HADII AAN SU AAL KHALDAN AAN KUWAYDIIYO INAAD KHALAD II GU JAWAABTO, MADAXA MEEL KASARAYSA OO LA SALAAXO MALEH WAXAAD TAHAY MADAX DII SOOMAALIYA AMA BEESHA GUUD EE AAD KU ABTIRSATO OO DAGAN MIN ILAA TOGDHEER,BARI,NUGAAL ,SANAAG,MUDUG,DHUUSAMAREEB,GEDO ILAA KISMAAYO,KILILKA SHANAAD IYO NFD  INTA U DHAXAYSA.

 ILAAHAY WAXAAN KAAGA BARYEYNAA INAAD NOQOTO KII ISKU WADI LAHAA EE AAN KALA DIRIN AAMIIN,WAXAAN KALOO MADAXWAYNE KUU SHEEGAYAA IN UMADU AAD KALA KULMI KARTID SUAALO BADAN OO XATAA QAARKOOD AADAN RAALI KA AHAYN MARKA DULQAAD MUUJI LANA TASHO MADAXDAAD EE HAWGU JA WAABIN HEBAL WAAN KU AQAAN, SIDA ISAGA AAD UTAQAAN BUU ISNA KUU OGYAHAY IN UU JAWAABAHAAS OO KALE KAA HELAYO.

 MARLABAAD MADAXWAYNE MEESHA UMAD BAA KUU DHIIBATAY EE QANCI OGOWNA IN LAGULA LEEYAHAY TALADA WADANKA.

 XILDHIBAAN SALEEBAAN YUUSUF INDHABUUROOW RAALI AHOW OO DULQAAD MUUJI HANA KACAAJISIN SHAQADA AAD NOO HAYSO HADII MADAXDAADU KUGU GAFTAY IYAGAA KU CEEBAYSAN WAXA AY XUMAAN IYO AFLAGAADO AY GAYSTAANE, WIXII WANAAGA AY SAMEEYAANA IYAGAA KU AMAANAN .

 QORAAL KAYGAN MAAHA MID AAN CIDGAARA AAN ULA JEEDO EE WAA IGA TALO ANOO JECEL IN WADAN KAYGA IYO DADKAYGU WAX NOQDAAN.  W

AAD MAHADSANTIHIIN
ENG. ASAD SHEIKH AHMED NUR JAMA UAE…