Iyadoo maalinimada beri ee Axada ah kulan adag oo kubada cagta ah uu dhexmary doono labada kooxeed ee isku magaalada ka dhisan isla markaana xifaaltanka dhanka kubada cagta cagta uu ka aloosan yahay ee Manchester United & Manchester City, ayaa waxaa arintan si weyn u saameynaysaa taageerayaasha labadan kooxood ee dunida daafaheeda ku kala dhaqan.

Hadaba taageerayaasha labadaasi kooxood ayaa waxaan ka maqneyn siyaasiyiinta oo qaarkood shaqadooda marka laga tago dhanka kubada cagta ama noocyada kale ee ciyaaraha xiiseeya.

Ra’isalwasaaraha dalka Maleysiya Najib Razak ayaa xiriirada Internet-ka uu ku leeyahay ee Facebook-ga iyo Twitter-ka wuxuu ugu sheegay dadka taageera ee kala socda adeegyadaasi in uu ku martiqaadayo inay la daawadaan ciyaarta adage e Man City & Man United.

Ra’isalwasaare Najib ayaa ah taageere googa’ay oo kooxda Man United si weyn u cabsan waxaana uu sheegay in sidiisa oo kale taageerayaasha kubada cagta ku waalan ee dalkiisa gaar ahaan kuwa taageera kooxda Manchester United inay gurigiisa yimaadaan si ay ula daawadaan ciyaartaasi, isagoo hawlihii siyaasada maalinimada beri saacadaha ciyaartaasi socoto ka doorbiday in uu shaashada hor fariisto oo halkaasi uga sacab tumo kooxda shayaadiinta cas cas ( Red devils ).

Ra’isalwasaaraha ayaa deegaanka uu ka degan yahay magaalada Putrajaya oo ah magaalada maamul ahaan caasimada u ah dalka Maleysiya oo ah magaalo la hindisay oo ay ku shaqeeyso dawlada ka dib markii loo adkeysan waayey saxmada magaalada Kuala Lambur oo nidaam ahaan ah caasimada qaranka, wuxuu ugu baaqay taageerayaasha Manchester United inay ciyaartaasi la daawadaan.

Deegaanka Ra’isalwasaaraha uu degan yahay ayaa hall weyn oo ku yaal waxaa lagu xiray dhalo ama TV Screen aad u weyn iyo waliba projectors si dadka daawanaya ay si muuqaal waadix ah uga daawadaan toos ciyaarta oo ka dhici doonta beri garoonka Old Trafford ee kooxda Manchester United.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com