Ra’isalwasaaraha dawalda KMG Soomaaliya a Dr. C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa soo saarey wareegto cusub oo uu ku magacaabayo xubnaha ka dhiman xukuumadiisa ee wasiiru dawlayaasha & wasiir kuxigeenada, waxaana ay ka kooban yihiin 27 xubnood.

Wasaaradaha uu horey u magacaabay wasiiradooda Ra’isalwasaaruhu ayaa waxaa qaarkood leeyihiin min laba wasiir kuxigeen, waxaana xubnaha maanta la magacaabay ay isagu jiraan xubno horey xilal uga soo qabtey xukuumadihii KMG ahaa ee dalka soo marey & kuwa ku cusub xilalkan.

Dhamaan 27-ka xubnood ee la magacaabay ayaan ka mid aheyn sida wasiiradii 48 saac ka hor la magacaabay xukuumadii uu Ra’isalwasaaraha ka ahaa Maxamed C/laahi Farmaajo.

Liiska Wasiiru Dowlayaasha:

1: C/casiis Macalin Nuur Wasiiru-dowlaha Xafiiska Madaxweynaha.

2: Xaamid Sheekh Cali Maasheeye Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

3:Maxamuud Macalin Nuur Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga.

4: Maxamed Maxamuud Aadan (ndha geelle) Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka.

5: Sheekh Aadan Maxamed Deer Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maalliyadda & Lacagta .

6:Maxamed Axmed Kaamil Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta.

7: Maxamed Axmed Kaynaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshedaha.

8:Mudane Saciid Jaamac Qoorsheel Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Cirka,Dhulka,Badda & Dekedaha.

9:C/kaafi Macalin Xasan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska.

Liiska Wasiir Kuxigeenada

1: Axmed C/laahi Xuseen Fanax & Xasan Maxamed Ibraahim Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Garsoorka arimaha Diinta & Awqaafta.

2: C/raxiin Cabdi Abiikar Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

3:Maxamed Cali Catoosh Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga.

4; Khaliif C/kariin Maxamed Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha.

5: C/xakiin Cige Guuleed Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka.

6:Mudane Cali Dirir Faarax Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maalliyadda & Lacagta.

7:Luul Cabdi Aadan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka & Arimaha Qoyska.

8:C/risaaq Daahir Maxamuud & Mudane Xirsi Aadan Rooble Wasiir ku-xigeenada Beeraha & Xanaanada Xoolaha.

9: Macalin Cali Aadan & Mudane Faysal Xuseen Daahir Wasiir ku-xigeenada Caafimaadka.

10:C/laahi Bille Nuur Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada & Isgaarsiinta.

11:Daahir Xaaji Geelle Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada,Dhalinyarada & Isboortiga.

12: Axmed Xasan Aadan &  Mudane Ibraahim Shukri Sheekh Aadan Wasiir ku-xigeenada Kalluumeysiga,kheyraadka Badda iyo Bay,ada.

13- C/raxmaan Kulmiye Xirsi (C/raxmaan Dheere) Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Cirka,dhulka & Dekedaha.

14:Xasan Maxamed Jimcaale & Ibraahim Suleymaan Xaaji Nuur Wasiir ku-xigeenada Dastuurka & Dib u heshiisiinta.

15:Xareed Xasan Cali Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud,guryeynta & Dib u dhiska.

16:C/laahi Dool Maxamed Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta,Biyaha & Batroolka.

17:C/qaadir Maxamed Barre & C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim (Baqdaadi) Wasiir ku-xigeenada Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta Sare.

18: Cali Nuur Ducaalle Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga

Axmed Aar
SBC Muqdisho