Ra’isalwasaaraha dawlada KMG Soomaaliya Dr. Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ka warbixiyey kulamo magaalada Nairobi uu kula soo yeeshay xoghayaha arimaha dibada Ingiriiska William Hague, wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga , madaxweynaha Puntland & qaar ka mid ah safiirada wadamada shisheeye ee ku sugan wadanka Kenya.

Ra’isalwasaraha oo saaka dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho ka dib socdaal uu ku tagey magaalada Nairobi ayaa sheegay in kulankii uu magaalada Nairobi kula yeeshay xoghayaha arimaha dibada Britain William Hague uu ahaa kulan uu isagu codsadey inay ku kulmaan magaalada Nairobi, isagoo sheegay in ay ka wada hadleen arimo ku aadan xaaladaha siyaasadeed & abaaraha ba’an ee ka jira dalka, iyo sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka dhibaataysan. (Audio Player -ka hoose ka dhageyso hadalka Ra’isalwasaaraha)

DhageysoSidoo kale Ra’isalwasaaruhu wuxuu kulan gaar ah la qaatey Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo isaguna maalmahan ku sugnaa magaalada Nairobi.

Ra’isalwasaaruhu waxaa kale oo uu sheegay in ay ay is arkeen safiirada wadamada shisheeye ee ku sugan magaalada Nairobi iyagoo ka wadahadley xaaladaha wadanka.

Mar uu ka hadleyey kulanka Mahiga uu la yeeshay wuxuu sheegay inay ka warbixiyeen in Magaalada Muqdisho ay dhawaan imaan doonaan wafdi balaaran oo ka socda qaramada midoobay, kuwaasi oo u kuurgalaya hirgalinta heshiiskii Kampala iyo shirka wadatashiga ah ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Axmed Aar
SBC Muqdisho