Ra’isalwasaaraha dawlada KMG Soomaaliya Dr. Cabdi-Wali Maxamed Cali (Gaaz) ayaa ka hadley nooca ay noqon doonto xukuumada cusub ee uu soo dhisi doono taasi oo xiligan si weyn looga dhursugayo.

Ra’isalwasaaraha ayaa sheegay in xukuumadiisa uu ku saleyn doono hanaanka aqoonta balse aanay noqon doonin xukuumada eex & qabiil lagu soo xulo balse lagu soo xuli doono qof kasta & kartidiisa & wadaninimadiisa.

Cabdi-wali wuxuu ku nuuxnuuxsadey in sida ugu dhakhsiyaha badan uu soo u soo magacaabi doono xubnaha golaha wasiirada marka uu soo dhameystiro la tashida kala duwan ee arinkaasi uu ka kala leeyahay qaybaha ay khuseyso.Audio Player hoose ka dhageyso

DhageysoMar uu ka hadlayey waxyaabaha u qorsheysan ayuu wuxuu sheegay in xukuumadiisa ay siinayso ahmiyada koowaad, labaad & sadexaad sugida amaanka dalka, wuxuuna carabka ku adkeeyey in ay ka go’an tahay xukuumadiisa sidii loo sugi lahaa amaanka wadanka.

Ra’isalwasaaruhu wuxuu kaloo ka hadley wadashaqeynta golayaasha xukuumada & baarlamanka, wuxuu sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii labadaasi hay’adood si dastuuri ugu wadashaqeyn lahaayeen, isagoo taasi ku macneeyey in hadii aan la helin wadashaqeyntaasi aanay macquul aheyn in ummada loo adeego.

Cabdi-Wali Maxamed Gaaz mar uu ka hadlayey xaaladaha abaareed & barakac ee ka taagan dalka waxa ay xukuumadiisu u qorsheysay ayuu wuxuu carabka ku adkeeyey in ay magacaabeen gudi qaran oo heer wasiir oo wax ka qabta xaaladaha abaareed isla markaana darsa sidii loo taageeri lahaa dadka abaaruhu sameeyeen, isagoo sidoo kale dadka qurbo jooga ah ka codsadey in ay u soo gurmadaan walaalahooda dhibaateysan.

Axmed Aar
SBC Muqdisho